HomeWararKolonyo ay la socdeen Saraakiil Ciidan oo Qarax lala eegtay

Kolonyo ay la socdeen Saraakiil Ciidan oo Qarax lala eegtay

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Wararka aan ka heleyno duleedka deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas qarax lagula eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda. Qaraxaas oo ahaa miino nooca dullka la geliyay ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay Kolonyo gelbineysay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Odawaa Yuusuf  Raage ayna […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno duleedka deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas qarax lagula eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dullka la geliyay ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay Kolonyo gelbineysay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Odawaa Yuusuf  Raage ayna la socdeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda, iyagoona socdaal ku marayay duleedka Janaale.

- Advertisement -

Qoraal lagu daabacay baraha Internet-ka ay ku leeyihiin Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheeteen Mas’uuliyada qaraxaa ka dhacay duleedka deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in qaraxa uu ka badbaaday Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage, hayeeshee lagu gubay gaari nooca dagaalka, isla markaana uu jiro Khasaaro kala duwan, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Weli ma jiro war wax ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo ay uga hadlayaan weerarkaas la sheegay inuu ka dhacay duleedka deegaanka Janaale, isla markaana lagu gubay gaari Cabdi Bile ah oo ay leeyihiin Ciidanka dowladda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories