HomeWararMaamulka G/Banaadir oo ka hadlay Rag lagu toogtay Muqdisho

Maamulka G/Banaadir oo ka hadlay Rag lagu toogtay Muqdisho

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Barqanimadii Maanta ayaa waxaa gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ay Israsaaseyn kooban ku dhexmartay Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowladda Federaaalka iyo rag ku hubeysan Bastoolado. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay Israsaaseynta dhexmartay Ciidanka Booliska iyo Ragii hubeysnaa, waxaana falka uu sigaar ah uga dhacay Suuqa Khaliifa ee Bakaaraha. […]

- Advertisement -

Barqanimadii Maanta ayaa waxaa gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ay Israsaaseyn kooban ku dhexmartay Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowladda Federaaalka iyo rag ku hubeysan Bastoolado.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay Israsaaseynta dhexmartay Ciidanka Booliska iyo Ragii hubeysnaa, waxaana falka uu sigaar ah uga dhacay Suuqa Khaliifa ee Bakaaraha.

- Advertisement -

Afhayeenka Gobolka Saalax Xasan Cumar Saalax Dheere oo tegay halka ay ka dhacday Israsaaseynta ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka amniga ay toogteen laba ruux oo ku hubeysnaa Bastoolado.

Waxaa uu sheegay Afhayeenka in Ciidanka amniga eek a howlgal galayay Suuqa Bakaaraha ay doonayeen inay gacanta ku dhigaan Ragga dilay, hayeeshee ay iska caabin kala dulmeen, markii dambena la toogtay.

Sidoo kale waxaa uu Saalax Dheexe tilmaamay in Ciidanka amniga uu dhaawac kasoo gaaray hal Askari haatana lagu dabiibayo Xarun Caafimaad, sidoo kale  Israsaaseynta uu ku dhintay qof shacab ah oo kamid ahaa dadkii ganacsiga ku lahaa halka uu falka uu ka dhacay.

- Advertisement -

Ugu dambeyntii Afhayeenka Gobolka Saalax Xasan Cumar Saalax Dheere ayaa sheegay in ragga la toogtay ay hayeen kuwo kal hore falal amni darro geystay, isla markaana ay ku raad-joogeen laamaha amniga, isagoo u mahadceliyay Ciidankii fuliyay howlgalkaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories