HomeWararPuntland oo dib uga laabatay Go’aankii ay ku xirtay Masaajidda

Puntland oo dib uga laabatay Go’aankii ay ku xirtay Masaajidda

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Maamulka Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Saciid Deni ayaa dib uga laabtay Go’aankii maalin kahor ay ku xireen Masaajidda ku yaalla Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal iyo deegaanada kale ee maamulkaas.

Wasiirka Caddaalada, arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Puntland Cawil Sheekh Xaamud oo shalay soo saaray Amarka ah in la xiro dhammaan masaajidda Puntland muddo laba todobaad ayaa  waxaa uu shaaciyay in  Puntland ay Go’aankaas dib uga laabatay.

Wasiir Cawil Sheekh Xaamuda oo kulan la qaatay Culimada ayaa waxaa uu sheegay in Go’aan lagu gaaray in dib loo furo Masaajida, hayeeshee la isla gartay in la xiro Musqulaha, si looga hortego faafida Cudurka Coronavirus.

Ugu dambeyntii Wasiirka Caddaalada, arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Puntland ayaa si cad u sheegay in dhamaan Maasjidada ku yaalla deegaanada Puntland ay furnaan doonaan, balse markii la helo Kiiska COVID-19 la xiri doono.

Si kastaba Culimada deegaanada Puntland ayaa kasoo horjeestay Go’aanka marka hore ay Puntland ku amartay in la xiro dhammaan masaajidda Puntland, hayeeshee dib ayaa looga laabtay Arrintaas.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories