HomeWararAkhriso:-Ujeedka Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre ee Addis Ababa

Akhriso:-Ujeedka Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre ee Addis Ababa

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay u ambabaxay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre ee Addi Ababa ayaa waxaa ku wehlinayay xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, waxaana la sheegay in Safarka uu ahaa mid Deg deg ah oo aan horey loo sii qorsheyn.

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helay ayaa sheegaya in Ujeedka safarka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ee Addis Ababa uu la xiriiro Arrimo ku soo kordhay xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Xasan Cali Kheyre uu fariin Madaxda dowladda Itoobiya uga sido Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal saakay kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Kheyre uu kulamo kala duwan la qaadan doono inta halkaas uu ku sugan yahay Madaxda dowladda Itoobiya.

Si kastaba Itoobiya ayaa waxaa la sheegay in dhowaan ka carootay markii Soomaaliya taageertay qaraarkii Masar ee Jaamacadda Carabta ee ku aadanaa mowqifkeeda la xiriira biyo xireenka ay dhisatay Itoobiya, iyadoo shirkii Jaamacadda Carabta uu Soomaaliya u matalayay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories