HomeWararMadaxtooyadda Somalia oo laga bilaabay baarista Cudurka Coronavirus

Madaxtooyadda Somalia oo laga bilaabay baarista Cudurka Coronavirus

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Xarunta Madaxtooyadda ka bilowday baarista Cudurka Coronavirus, kadib markii shalay Wasaaradda Caafimaadka shaacisay in qof Soomaali ah oo ku sugan Muqdisho laga helay Coronka, kaasi oo la karantiilay. Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo war qoraal ah soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in loo […]

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Xarunta Madaxtooyadda ka bilowday baarista Cudurka Coronavirus, kadib markii shalay Wasaaradda Caafimaadka shaacisay in qof Soomaali ah oo ku sugan Muqdisho laga helay Coronka, kaasi oo la karantiilay.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo war qoraal ah soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in loo baahan yahay in Cudurka laga baaro goob walba oo ay shacabka isugu yimaadan.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Guddoomiye Cawad in qof aan Cudurka Coronavirus laga baarin in uusan soo galeyn Xarunta Villa Hargeysa oo ku dhex taalla Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.

Waxaa kaloo uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka in Maanta isaga laga baaray Cudurka, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay is baaraan.

“Waxaan codsanaynaa in goob walba oo la isugu yimaado laga baaro shacabka caabuqa Coronavirus. Waxaan dhiirigalinaynaa qof walba inuu u hogaansamo, waliba shakhsigu raadsado in la baaro. Villa Hargeysa qof aan la baarin ma soo galayo. Anigu waan is baaray maanta. Muwaadin is baar” ayuu yiri Guddoomiye Cawad.

- Advertisement -

Si kastaba shalay ahaeyd markii Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiga Abiikar ay sheegtay in qof Soomaali ah oo ku sugan Muqdisho kana yimid dalka dibadiisa laga helay Cudurka Coronavirus, isla markaana dowladda ay karantiishay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories