HomeCaalamkaMareykanka oo Ciidamadiisa kala baxaya Afganistaan iyo sababta oo la shaaciyey

Mareykanka oo Ciidamadiisa kala baxaya Afganistaan iyo sababta oo la shaaciyey

Date:

Related stories

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Dowladda Maraykanka ayaa bilaabay inuu ciidammadiisa kala baxo Afghanistan, tan oo qayb ka ah heshiish at Taliban la galeen, oo looga gol lahaa in nabad laga dhaliyo dalkani. Maraykanka ayaa heshiiskaas ku galay, si uu u yareeyo ciidammadiisa gaadhaya 12,000 isaga oo gaadhsiinaya 8,600 inta lagu gudo jiro 135 cisho ee uu ka dhaqan gelayo […]

- Advertisement -

Dowladda Maraykanka ayaa bilaabay inuu ciidammadiisa kala baxo Afghanistan, tan oo qayb ka ah heshiish at Taliban la galeen, oo looga gol lahaa in nabad laga dhaliyo dalkani.

Maraykanka ayaa heshiiskaas ku galay, si uu u yareeyo ciidammadiisa gaadhaya 12,000 isaga oo gaadhsiinaya 8,600 inta lagu gudo jiro 135 cisho ee uu ka dhaqan gelayo heshiiskaasi.

- Advertisement -

La bixidda ciidammadan ayaa ah xaalad muhiim u ah heshiiskan taariikhiga ah ee ay wada galeen US iyo Taliban 29-kii bishii February.

Xukuumadda Afghanistan ayaan qayb ka ahayn heshiiskan, laakiin waxaa la rajeynayaa inay wadahadal la yeelan doonto Taliban.

Madaxweynaha Afghnaistan, Ashraf Ghani, ayaa hore u sheegay inuusan u hogaansami doonin heshiis lagu siidaayo maxaabiista Taliban taas oo shuruud u ah wadahadallada tooska ah ee lala galayo kooxdaan.

- Advertisement -

Heshiiska nabadda ayaa u muuqday mid jilicsan usbuucii la soo dhaafay ka dib markii Mareykanku uu bilaabay duqeyn dhanka cirka ah isagoo ka jawaabaya dagaalyahannada Taliban ee weeraraya ciidammada Afghanistan ee gobolka Helmand.

Kooxda Taliban ayaa ku baaqday xasillooni isniintii, Col Sonny Leggett, oo ah afhayeenka ciidammada Mareykanka ee Afghanistan, ayaa iyana kaga jawaabay bilaabidda wejigii koowaad ee bixitaanka Mareykanka.

Mareykanku wuxuu haystaa “dhammaan millateriga iyo mas’uuliyiinta si ay u fuliyaan himilooyinkeenna” Afghanistan inkasta oo ay baxayaan ciidamada, Col Leggett ayaa uu ku yidhi bayaan ay soo saareen.

Mareykanka iyo xulafadiisa Nato waxay ku heshiiyeen inay la baxaan dhammaan ciidammadooda muddo 14 bilood gudahood ah haddii Taliban oggolaadaan heshiiska.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories