HomeWararHay'adda socdaalka oo xarun lagu bixiyo Baasaboorka Somalia ka furtay Yurub

Hay’adda socdaalka oo xarun lagu bixiyo Baasaboorka Somalia ka furtay Yurub

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Safiirka Soomaaliya ee Wadamada Switzerland iyo Austria Danjire, Ebyan Maxamed Saalax iyo K/xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane, Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa si wadajir ah u furay Xafiiska bixinta Baasaboor Soomaaliya oo laga dhex furay Safaaradda Soomaaliya ku leedahay wadanka Switzerland. Furitaanka Xafiiska Bixinta Baasaboorka ayaa waxaa goobjoog ahaa Xoghayaha 1aad ee Safaaradda iyo Masu’uuliyiin […]

- Advertisement -

Safiirka Soomaaliya ee Wadamada Switzerland iyo Austria Danjire, Ebyan Maxamed Saalax iyo K/xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane, Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa si wadajir ah u furay Xafiiska bixinta Baasaboor Soomaaliya oo laga dhex furay Safaaradda Soomaaliya ku leedahay wadanka Switzerland.

Furitaanka Xafiiska Bixinta Baasaboorka ayaa waxaa goobjoog ahaa Xoghayaha 1aad ee Safaaradda iyo Masu’uuliyiin kale oo kasoo qeybgashay furitaanka, waxeyna dhamaantood sheegeen in adeegyadan ay baahi weyn u qabeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Switzerland iyo wadamada ka agdhow, islamarkaana ay hada kadib fursad u siineyso in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ka heli karaan Safaaradda Soomaaliya ee Geneva adeegga Baasaboorka.

- Advertisement -

Danjire Ebyan, oo hadal kooban ka jeedisay munaasabada ayaa uga mahadcelisay Madaxda Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda hirgelinta Xafiiska Baasaboorka ee Safaaradda Soomaaliya ee Geneva.

Sidoo kale K/xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ Md, Xasan Cabdulqaadir Maxamed, ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay madaxda Safaaradda soo dhaweynta ay u sameeyeen, dhanka kalena goobta ka sheegay in Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya {HSJ} ay sanadkan ku howlan tahay sidii ay adeegga bixinta Baasaboorka u gaarsiin laheyd goobo hor leh oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ah si Muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu soo dhaweeyo adeegga Baasaboorka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories