HomeCaalamkaWararkii ugu dambeeyay Qaraxii uu ka badbaaday RW Suudaan + Sawirro

Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii uu ka badbaaday RW Suudaan + Sawirro

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Ra’iisul wasaaraha Suudan Abdalla Hamdok ayaa isaga oo aanay wax dhibaato ah gaarin ka badbaaday isku day lagu dili lahaa ayada oo qarax la adeegsanayo, sida uu sheegay kaaliyihiisa.

“Qarax ayaa haleelay baabuurka ra’iisul wasaare Abdalla Hamdok, balse Allah mahadiis cidna wax kuma noqon,” ayuu yiri Ali Bakhit oo ah agaasimaha xafiiska Hamdok.

- Advertisement -

Wasiir ka tirsan xukuumadda Hamdok ayaa sidoo kale xaqiijiyey in ra’iisul wasaaraha uu ka baxsaday weerarka oo ka dhacay magaalada Caasimadda ah ee dalka Khartoum.

Muuqaallo uu baahiyey taleefishinka dowladda ayaa muujinayey laba baabuur oo uu waxyeello gaarsiiyeey qaraxa oo ka dhacay degmada Kober ee waqooyiga bari ee bartamaha Khartoum.

Taleefishinka dowladda waxa uu sheegay in kolonyada Hamdok la beegsaday, hase yeeshee uu iminka “bad qabo loona kaxeeyey goob ammaan ah.”

- Advertisement -

Qoyska Hamdok ayaa sidoo kale u xaqiijiyey wakaaladda wararka AP inuu “bad qabo oo goob amni ah uu joogo.”

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa si deg deg ah u gooyey booliska.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories