HomeCaalamkaTirada dadka u dhintay Coronovirus Gudaha Shiinaha oo korortay

Tirada dadka u dhintay Coronovirus Gudaha Shiinaha oo korortay

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Tirada dadka u dhintay cudurka halista ah ee Coroona Virus oo si baahsan uga dillaacay dalka Shiinaha ayaa marba marka ka danaysa kusoo kordhaya dalkaas iyadoo xogtii ugu danaysay ay sheegtay in tirade dadka dhintay ay gaartay 3072 qof oo cudurku haleelay iyagoo ku sugan gudaha Shiinaha. Gudiga caafimaadka ee Dawladda Shiinaha ayaa warbixin ay […]

- Advertisement -

Tirada dadka u dhintay cudurka halista ah ee Coroona Virus oo si baahsan uga dillaacay dalka Shiinaha ayaa marba marka ka danaysa kusoo kordhaya dalkaas iyadoo xogtii ugu danaysay ay sheegtay in tirade dadka dhintay ay gaartay 3072 qof oo cudurku haleelay iyagoo ku sugan gudaha Shiinaha.

Gudiga caafimaadka ee Dawladda Shiinaha ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in halista caabuqa Coroona ay awood yeelanayso saacad kasta iyo maalin walba, waxayna caddeeyeen in 24-kii saac ee lasoo dhaafay oo kaliya  uu cudurkani ku dhacay 28 qof ooh or leh.

- Advertisement -

Fayraska ayaa markii ugu horreysay ka dhashay magaalada ganacsiga dalka Shiinaha ee Wuhan oo ku taalla bartamaha dalka Shiinaha  12-kii Diseembar, 2019 isagoo dhowr bilood gudahood ku faafay ama gaaray in ka badan 90 dal caalamka ah.

Caabuqa Coroona ayaa sidoo kale haleelay in ka badan 100,000 oo qof oo adduunka oo dhan ku nool, iyadoo cudurkan ay u dinteen in kabadan 3,400 oo badankooduna ku noolaa gudaha dalkaasi Shiinaha, halka dadka dhintay qaarkood uu cudurku ku haleelay dalal ka baxsan Shiinaha oo ay kamid yihiin South Korea, Iran iyo Italy.

Dhibaatooyinka saamaynta xoogan ku yeeshay caalamka ee laga dhaxlay cudurka Coroona Virsus waxaa kamid ah in Dawladda Sucuudigu ay hakiso booqashadii xajka iyo cumrada oo sanad kastaba ay tagi jireen malaayiin qof oo ka safri jiray dalalka muslimiinta caalamka oo dhan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories