HomeWararMaxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Muuse Maxamed

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Muuse Maxamed

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Muuse Maxamed  Axmed ayaa loo heysta kamid ahaanshiyaha dagaalamayaasha Alshabaab iyo farsameynta agabka qarxa sida Bom F1. Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan Guutada 14-ka October  ayaa ka qabtay eedeysane Muuse Maxamed  Axmed Magaalada Marka bilowgii November 2019  isaga oo uga  soo safray Janaale, waxa uu watay xilligaas eedeysanaha la qabanayay Caagad lagu soo qariyay Bambo […]

- Advertisement -

Muuse Maxamed  Axmed ayaa loo heysta kamid ahaanshiyaha dagaalamayaasha Alshabaab iyo farsameynta agabka qarxa sida Bom F1.

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan Guutada 14-ka October  ayaa ka qabtay eedeysane Muuse Maxamed  Axmed Magaalada Marka bilowgii November 2019  isaga oo uga  soo safray Janaale, waxa uu watay xilligaas eedeysanaha la qabanayay Caagad lagu soo qariyay Bambo nuuca gacanta F1 oo lagu dhex qariyay raashin iyo nuuc dareeraha kamid ah oo dadka qaarkiis u yaqaanaan Subag.

- Advertisement -

Intaas kadib ayaa loo soo  wareejiyay  eedeysanaha magaalada Muqdisho, waxa ayna ciidamada xoogga dalka ku wareejiyeen ciidamada Boliiska  gaar ahaan qeybta dambi  baarista Boliiska CID.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aan ka soo saartay waxaana lagu xukumay Muuse Maxamed  Axmed  10-sano oo  xabsi ciidan ah  sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku qaadan karo rafcaan xukunka kadib muddo 30-cisha ah.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories