HomeCaalamkaQaramada Midoobay oo walaac ka muujisay xaaladda qaxooti xaniban

Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay xaaladda qaxooti xaniban

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Bayaan kasoo baxay qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in ay ka xun tahay xaaladda ka aloosan xuduudka Turkiga iyo Giriiga, iyadoo tusaale usoo qaadatay dhacdooyinkii dhowaan ka dhacay goobaha ay dadka qaxootiga ah ay joogaan, waxayna ku tilmaamtay kuwo kasoo horjeeda xuquuqda aadanaha. Hay’adda qaxootiga ee qaramada midoobay ee UNHCR  ayaa sidoo kale sheegtay inay […]

- Advertisement -

Bayaan kasoo baxay qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in ay ka xun tahay xaaladda ka aloosan xuduudka Turkiga iyo Giriiga, iyadoo tusaale usoo qaadatay dhacdooyinkii dhowaan ka dhacay goobaha ay dadka qaxootiga ah ay joogaan, waxayna ku tilmaamtay kuwo kasoo horjeeda xuquuqda aadanaha.

Hay’adda qaxootiga ee qaramada midoobay ee UNHCR  ayaa sidoo kale sheegtay inay ka walaacsan tahay waxyaaladiii u danbeeyey ee lagu sameeyey dadka qaxootiga ah ee  doonayay in ay u  gudbaan  dalalka Yurub.

- Advertisement -

Qaramada midoobay waxay ugu baaqday masuuliyiinta dawladda Giriiga inaysan isticmaalin rabshado xad dhaaf ah oo ka dhan ah muhaajiriinta, sidoo kale waxay ugu baaqday dadka  muhaajiriinta ah inay ixtiraamaan amniga xuduudaha u dhexeeya labada waddan .

Dhanka kale, af hayeenka sanduuqa qaramada midoobay u qaabilsan caruurta ee UNICEF  Marixi Mercado ayaa waxay sharraxday in dadka tahriibayaasha ah ee ku sugan xadka Turkiga iyo Giriiga ay %40 ay yihiin haween iyo carruur loona baahan yahay in aan dhibaato loo gaysan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories