HomeCaalamkaYaa ku guuleystay Doorasho ka dhacday Israa'iil?

Yaa ku guuleystay Doorasho ka dhacday Israa’iil?

Date:

Related stories

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ku guuleystay doorashadii Isniinta ka dhacday Israel, oo ahayd tii saddexaad muddo sanad gudihiis ah, inkasta oo uu wajahayo maxkamadeyn musuq-maasuq la xiriirta. Guushan ayaa Netanyahu u ogolaaneysa inuu soo dhiso dowladda cusub, soona afjaro sanad is-marin waa siyaasadeed ah, kadib markii doorashooyin dhacay April iyo September 2019 lagu kala […]

- Advertisement -

Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ku guuleystay doorashadii Isniinta ka dhacday Israel, oo ahayd tii saddexaad muddo sanad gudihiis ah, inkasta oo uu wajahayo maxkamadeyn musuq-maasuq la xiriirta.

Guushan ayaa Netanyahu u ogolaaneysa inuu soo dhiso dowladda cusub, soona afjaro sanad is-marin waa siyaasadeed ah, kadib markii doorashooyin dhacay April iyo September 2019 lagu kala adkaan waayey.

- Advertisement -

Guddiga dhexe ee doorashada ayaa sheegay inay tiriyeen 90% codadka, ayada oo natiijada warbaahinta qaar ay soo bandhigeen ay muujineyso in xisbiga Netayahu ee Likud uu helayo 36 ka mid ah 120-ka kursi ee baarlamanka.

Isbahaysiga Netanyahu, oo ay ku jiraan xisbiyada Yahuudda ee mayalka adag, ayaa weli u baahnaan doona hal ama laba cod si ay u helaan aqlabiyad, hase yeeshee afhayeen u hadlay xisbiga ayaa sheegay inay ku kalsoon yihiin inay kasoo goosan doonaan xisbiyada kale.

Xisbiga sida weyn ula loolamayey Likud ee Blue and White ayaa la filayaa inuu helo 32 kursi, Marka lagu daro xisbiyada siyaasadda bidixda-dhexe, iyo kuwa isbhayasiga Carabta ee Arab Joint List, xisbiyada kasoo horjeeda Netanyahu ayaa la filayaa inay helaan 54 ilaa 55 kursi.

- Advertisement -

Inkasta oo weli aysan jirin wax damaanad oo ah in Netanyahu uu soo dhisi doono dowladda cusub, haddana wuxuu doorashadii Isniinta ku sheegay “guul” weyn.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories