HomeWararFaah faahin:-Dagaal dhexmaray Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab

Faah faahin:-Dagaal dhexmaray Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay waxaa uu ka dhacay gudaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalkaan ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin gudaha Afgooye , waxaana intaas kadib dhacay dagaal socda muddo ku dhow saacad.

Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Radio Dalsan ayaa waxaa uu u sheegay in xalay gudaha Degmada laga maqlayay dhawaqa rasaas ay Isdhaafsanayeen Ciidanka dowladda iyo kuwa Shabaabka.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa waxaa ay sheegeen inuu weerarkii uga yimid dhanka Al-shabaab ay iska difaaceen, isla markaana xaalada degmada saakay ay tahay mid degan.

Sidoo kale Ciidamada dowladda ayaa howlgal ka sameeyay Xaafado ka tirsan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana la tilmaamay inta uu socday in lagu soo qabtay tiro dad ah.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay Afgooye ee u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab, waxaana xusid mudan in dhowr shabaab halkaas ay weeraro kala duwan ay ka fuliyeen.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories