HomeWararMadaxweyne Qoorqoor oo kulan la qaatay hogaamiyaha Ahlusunna

Madaxweyne Qoorqoor oo kulan la qaatay hogaamiyaha Ahlusunna

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay Madaxtooyada maamulkaas kulan kula qaatay hogaamiyaha Ahlusunna Waljamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo shalay  isku dhiibay Ciidanka dowladda. Kulanka u dhexeeyay Madaxweyne Qoorqoor iyo Macalin Maxamuud ayaa waxaa la sheegay in  looga hadlay dagaalkii maalin kahor Ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlusunna ku dhexmaray Magaalada Dhuusamareeb, […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay Madaxtooyada maamulkaas kulan kula qaatay hogaamiyaha Ahlusunna Waljamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo shalay  isku dhiibay Ciidanka dowladda.

Kulanka u dhexeeyay Madaxweyne Qoorqoor iyo Macalin Maxamuud ayaa waxaa la sheegay in  looga hadlay dagaalkii maalin kahor Ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlusunna ku dhexmaray Magaalada Dhuusamareeb, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxweyne Qoor-qoor ayaa Ahlusunna Waljamaaca ku amaanay sida wanaagsan ay u muujiyeen tanaasulka, isla markaana waxaa uu Madaxweynaha ka dalbaday Macalinka uu ka shaqeeyo dib u heshiisiinta Galmudug.

Sheekh Maxamed Shaakir iyo Macalin Maxamuud ayaa shalay isku dhiibay Ciidanka dowladda Soomaaaliya ee ku sugan Dhuusamareeb, kadib markii Ciidankii Ahlusunna iyo kuwa dowladda uu dhexmaray dagaal socday in ka badan 38-saacadood.

Dhinaca kale Ahlusunna ayaa shaacisay inay ka tanaasuleen Go’aankii siyaasadda arrimaha Maamulka Galmudug, iyagoona Ciidankii iyo hubkii ay heysteen shalay ku wareejiyay Ciidanka dowladda Federaaklka Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories