HomeWararFaah faahin:-Nabadoon dhaawac Culus loogu geystay Boosaaso

Faah faahin:-Nabadoon dhaawac Culus loogu geystay Boosaaso

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas xalay fal dhaawac loogu geystay mid kamid ah Nabadoonada deegaanka. Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in falka lagu dhaawacay Nabadoonka uu ka dhacay agagaarka Gurigiisa oo ku yaalla Xaafad ka tirsan Boosaaso, isla markaana waxaa Ninkaas dhaawacay […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas xalay fal dhaawac loogu geystay mid kamid ah Nabadoonada deegaanka.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in falka lagu dhaawacay Nabadoonka uu ka dhacay agagaarka Gurigiisa oo ku yaalla Xaafad ka tirsan Boosaaso, isla markaana waxaa Ninkaas dhaawacay kooxo  ku hubeysnaa Bastoolado.

- Advertisement -

Nabadoonka la dhaawacay ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdullaahi Cali Sugulle, isagoo kamid ahaa Odayaasha dhaqanka Gobolka Bari, waxaana goobta falka uu ka dhacay ka baxsaday ragii hubeysnaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Boosaaso ayaa daqiiqado kadib tegay goobta, waxaana halkaas laga soo qaaday dhaawaca Nabadoon Cabdullaahi Sugulle oo ahaa mid Culus, iyadoona la geeyay Xarun Caafimaad.

Sidoo kale Ciidamada ayaa xalay howlgal kala duwan ka sameeyay Xaafaddo ka tirsan Magaalada Booaaso gaar ahaan kuwa ku teerdasan Xaafadda uu ka dhacay falka dhaawaca ah.

- Advertisement -

Amniga Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa u muuqda mid faraha kasii baxaya, waxaana muddooyinkii dambe gudaha Magaaladaas ka dhacayay dilal qorsheysan oo ay geysanayeen rag dhalinyaro ah oo hubeysan Bastoolado.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories