HomeWararSawirro:-Wararkii ugu dambeeyay Dhuusamareeb iyo Xarunta Inji oo burbur soo gaaray

Sawirro:-Wararkii ugu dambeeyay Dhuusamareeb iyo Xarunta Inji oo burbur soo gaaray

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Waxaa saakay oo sabti ah degan xaalada guud ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug, kadib markii 24-kii saac ee lasoo dhaafay halkaas uu dagaal ku dhexmarayay Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca. Waaberigii hore ee saakay ayaa waxaa Ciidanka dowladda u suuga-gashay inay gudaha u galaan Xarunta Inji oo ay deganaayeen hogaanka sare […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa saakay oo sabti ah degan xaalada guud ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug, kadib markii 24-kii saac ee lasoo dhaafay halkaas uu dagaal ku dhexmarayay Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca.

Waaberigii hore ee saakay ayaa waxaa Ciidanka dowladda u suuga-gashay inay gudaha u galaan Xarunta Inji oo ay deganaayeen hogaanka sare ee Ahlusunna, waxaana Ciidanka dowladda isku dhiibay Ciidamadii taabacsanaa Ahlusunna.

- Advertisement -

Sidoo kale waxaa Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya  isku dhiibay Hogaamiyeyaashii sare ee Ahlusunna ee Macalin Maxamuud iyo Sheekh Maxamed Shaakir, iyagoona dalbaday in rasaasta laga joojiyo, waxaana amnigooda la wareegay Taliska qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga.

Dhinaca kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray Xarunta Inji oo hoy u aheyd Ahlusunna, isla markaana in ka badan 24-saac uu ka socday dagaal Culus, waxaana gudaheeda ku dhacay Xarunta Madaafiic xoogan, kuwaasi oo burbur u geystay Xaruntaas.

Sawirro laga soo qaaday dhismeyaasha ku yaalla Xarunta Inji ayaa muujinayay in derbiyada iyo saqaafka sare ee guryaha iyo hoolalka halkaas ku yaalla uu burburay, isla markaana ay ku dhaceen Madaafiic iyo rasaas kale.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts