HomeWararDuqeyn Cusub oo ka dhacday Sh/Hoose iyo Dowladda oo ka hadashay

Duqeyn Cusub oo ka dhacday Sh/Hoose iyo Dowladda oo ka hadashay

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa duqeyn diyaaradeed saacadihii  lasoo dhaafay ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose. War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacay agagaarka deegaanka Kunya barrow ee Shabeellaha Hoose, isla markaana lala beesaday xubno […]

- Advertisement -

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa duqeyn diyaaradeed saacadihii  lasoo dhaafay ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacay agagaarka deegaanka Kunya barrow ee Shabeellaha Hoose, isla markaana lala beesaday xubno ka tirsan Al-shabaab.

- Advertisement -

Sidoo kale qoraalka dowladda Federaalka ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay laba xubin oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, kuwaasi oo ku sugnaa agagaarka Kunya barrow waa sida hadalka loo dhigay.

Dowladda Federaalka ayaa tilmaamtay in wax Khasaaro ah weerarka uusan kasoo gaarin dadkii shacabka ahaa ee ka agdhawaa deegaanka laga fuliyay duqeynta diyaaradeed oo dhacday gelinkii dambe ee shalay oo Jimco aheyd.

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa maalmihii lasoo dhaafay duqeymo kala duwan ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe, iyadoona duqeymaha qaarkood lagu dilay dad shacab ah oo uu kamid ahaa Maamulkii Shirkadda Hormuud ee Degmada Jilib ee Jubbada Dhexe.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories