HomeWararC/raxmaan C/Shakuur "Hubkii lagula dagaalami lahaa Al-shabaab ayaa lagu weeraray Ahlusunna”

C/raxmaan C/Shakuur “Hubkii lagula dagaalami lahaa Al-shabaab ayaa lagu weeraray Ahlusunna”

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa ka hadlay dagaalkii Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna ku dhexmaray Magaalada Dhuusamareeb. C/raxmaan C/Shakuur ayaa qoraal soo saaray waxaa uu ku sheegay in gelinkii dambe ee shalay dowladda Federaalka Soomaaliya ay Dhuusamareeb ka dejisay hubkii ciidan ka Gaashaan lahaayeen ee loogu tala galay in Alshabaab looga […]

- Advertisement -

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa ka hadlay dagaalkii Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna ku dhexmaray Magaalada Dhuusamareeb.

C/raxmaan C/Shakuur ayaa qoraal soo saaray waxaa uu ku sheegay in gelinkii dambe ee shalay dowladda Federaalka Soomaaliya ay Dhuusamareeb ka dejisay hubkii ciidan ka Gaashaan lahaayeen ee loogu tala galay in Alshabaab looga saaro Hoteelada ay qabsadaan.

- Advertisement -

Sidoo kale C/raxmaan C/Shakuur ayaa waxaa uu tilmaamay in amarkii hubkaas lagu geeyay Dhuusamareeb ay Go’aamiyeen Madaxwweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Taliyaha hay’adda nabadsugida Soomaaliya, isla markaana dadkii lagu laayay halkaas uu ahaa debi dagaal.

Dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinaca ee Ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlusunna iyo dad shacab ah.

Hoos ka Akhriso qoraalka uu soo saaray C/raxmaan C/Shakuur.

- Advertisement -

Waxaa ilo xog-ogaal ah ii xaqiijiyeen in shalay galab dawlada federaalka ah Dhuusamareeb ka dejisay hubkii ciidan ka Gaashaan lahaayeen ee loogu tala galay in Alshabaab looga saaro Hoteelada ay qabsadaan. Waa hub derbiyada duleeliya, laaguna tala galay in meeshii lagu rido aanay suntiisa cidna ku noolaan, wuxuuna gubayaa qofkii uu gaaro ama ku ag dhaco.

Hubkaas iyo wiilashii ciidanka Gaashaan oo loogu tala galay la dagalaanka Alshabab amarkiisa waxaa si wadajir ah u go’aamiyey madaxweynaha, raysalwasaaraha iyo taliyaha nabadsugida. Waa in la ogaado in xasuuqii xalay Dhuusamareeb ka dhacay uu danbi dagaal yahay.

Dawlada Federaalka ah iyo dadkii ka soo horjeeday Ahlusunna waxay ku faraxsan yihiin xasuuqa loo geystay dhalinyaradii sanadaha badan deegaanka ka ka hortaagnaa Alshabab, iyo xaqiraada lagula kacay hogaankii Ahlusunna. Dawlada Federaalka ah iyadoo heli kara wado waan waan iyo wadahadal ah ayey dagaal iyo colaad ka doorbiday. Waa wado ay sedaxdii sano ee na dhaaftay ku taagnayd.

Hogaanka Ahlusunna maalintii ay tabarta hayeen way tala diideen, waxayse su’aashu tahay inta kale ee maanta weli tabarta haysa, ma haleeli doonaan talo ay xasuuqa iyo xaqiraada ku soo fool leh isaga badbaadiyaan?

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories