HomeWararHogaamiyaasha Soomaalida Kenya oo la faray in 14-maalin ay ku soo afjaraan...

Hogaamiyaasha Soomaalida Kenya oo la faray in 14-maalin ay ku soo afjaraan Alshabaab

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyaatta ayaa kulan la qaatay hogaamiyaasha Soomaalida ee Kenya ugu magacaaban gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya oo uu kala hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin la dagalanka Alshabaab.

Kulanka dhexmaray madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo hogaamiyaasha Soomaaliya ayaa intiisa badan looga hadlay weerarada Alshabaab ay ka geystaan gudaha dalka Kenya iyo gobolka Soomaalida.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo warbixin laga siiyay xaaladda goboladaas ayaa muddo 14 maalmood ah u qabtay Hoggaamiyayasha Soomaalida Kenya si ay u soo gaba-gabeeyaan Al-shabaabka ka dagaallama Gobolka Soomaalida.

Isaga oo ka halayay dagaalamayaasha hubeysan ee weerarada ka geysta gudaha dalka Kenya ayuu sheegay in aysan aheyn dhalinyaro Soomaali ah oo kasoo talaabay xudduuda labada dal hase’ahatee ay yihiin dhalinyaro Kenyaan ah oo Alshabaab ay ka qorteen gudaha dalka Kenya.

Hogaamiyaasha Soomaalida Kenya ee uu la kulmay madaxweynaha Kenya Uhuuru Kenyaatta ayaa kala ah Guddoomiyaha Gaarisa Cali Bunow Qorane, Guddoomiyaha Mandheera Cali Roobow, Guddoomiyaha Wajeer Maxamed Cabdi Maxamuud, Aadan Barre Ducaale hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, Aadan Kenyaan iyo Xildhibaananda kale.

Alshabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan gudaha dalka Kenya waxaana Guddiga Maamula Macalimiinta Kenya ee TSC ay sheegeen in tan iyo 2014kii Gobolka lagu dilay 42 Macalin taasina aysan ahayn wax la qaadan karo.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories