HomeWararBanaanbax lagu taageerayay DFS oo ka dhacay Beled-xaawo iyo Kenya oo lagu...

Banaanbax lagu taageerayay DFS oo ka dhacay Beled-xaawo iyo Kenya oo lagu eedeyay faragelin

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo waxaa maanta oo Khamiis ah ka dhacay Banaanbax lagu taageerayay dowladda fedraalka Soomaaliya waxaana kasoo qeybgalay dadweyne aad u fara badan iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo.

Dibadbaxayaasha ayaa ku hadaaqayay erayo ka dhan ah dowladda Maraykanka oo maalma ka hor masuuliyiinta u fadhida golaha ammaanka ee QM ay su’aal ka keeneen ciidamada dowladdu ay geysay gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

- Advertisement -

Dibadbaxa ayaa intii uu socday waxaa ka qeybgalay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda fedraalka oo hadalo ka jeediyay fagaaraha lagu qabanayay iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo oo sheegay in dowladda Kenya ay faragelin ay ku heyso arrimaha Siyaasadda ee dalka.

Banaanbaxa ayaa intii uu socdal waxaa lagu soo hadalqqaaday warkii dhawaad kasoo baxay Isuduwaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka, Rodney Hunter uu ku sheegay inay qalad aheyd Ciidankii Dowladdu geysay Gobolka Gedo.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji Macalimow ayaa banaanbaxa ka sheegay in Shacabka Beled-Xaawo ay u diyaar garoobaan difaaca xaduudka Soomaaliya,isla markaana cidna aysan gorgortan kala geleen difaaca dalkooda.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories