HomeWararMadaxweyne Qoorqoor oo kulan la qaatay Saraakiisha Cusub ee Galmudug

Madaxweyne Qoorqoor oo kulan la qaatay Saraakiisha Cusub ee Galmudug

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xalay casho sharaf Magaalada Dhuusamareeb ugu sameeyay saraakiisha Cusub ee taliska qeybta guud ee Booliiska Galmudug. Ujeedada kulanka ayaa aheyd isbarasho, dhiirrigalin iyo dardargalinta arrimaha amniga iyadoo kulankaan uu goobjooge ka ahaa taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo gelinkii dambe ee shalay halkaas gaaray. Madaxweyne Qoorqoor ayaa mudnaan gaar […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xalay casho sharaf Magaalada Dhuusamareeb ugu sameeyay saraakiisha Cusub ee taliska qeybta guud ee Booliiska Galmudug.

Ujeedada kulanka ayaa aheyd isbarasho, dhiirrigalin iyo dardargalinta arrimaha amniga iyadoo kulankaan uu goobjooge ka ahaa taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo gelinkii dambe ee shalay halkaas gaaray.

- Advertisement -

Madaxweyne Qoorqoor ayaa mudnaan gaar ah siinaya sugida amniga isaga oo u maraya dib-u habeynta laamaha amniga si ay awood ugu yeeshaa xaqiijinta nabadgalyada, kala danbeynta iyo hirgalinta sharciga.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa kula dardaarmay saraakiisha cusub in ay si daacad ah u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in si rasmi ah ay xilka ula wareegayaan Taliska Booliska Galmudug iyo taliyeyaasha degmooyinka ee dhawaan la magacaabay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories