HomeWararKoox dil iyo dhac ka geysatay Muqdisho oo xukuno lagu riday

Koox dil iyo dhac ka geysatay Muqdisho oo xukuno lagu riday

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Maxamed Cabduqaadir Maxamed Cumar, Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame iyo Cabbdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre ayaa loo heystaa in ay yihiin koox ka qaatayaal ah oo loola jeedo koox dhac ku geysata Bistoolado iyaga oo isticmaalaya Bajaaj, waxa ayna dilaan qofkii isku dhajiya agabka ay xilligaas ka dhacayaan side Teleefoonada  iyo Kombiitarrada. 23-kii August Sanadkii tegay ayay […]

- Advertisement -

Maxamed Cabduqaadir Maxamed Cumar, Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame iyo Cabbdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre ayaa loo heystaa in ay yihiin koox ka qaatayaal ah oo loola jeedo koox dhac ku geysata Bistoolado iyaga oo isticmaalaya Bajaaj, waxa ayna dilaan qofkii isku dhajiya agabka ay xilligaas ka dhacayaan side Teleefoonada  iyo Kombiitarrada.

23-kii August Sanadkii tegay ayay weerar furasha ah ku qaadeen Askari ka  tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo xilligaas ka yimid Jaamacad, waxa uuna maareeyay isku daygoodii isaga oo ay u suura gashay in uu dhaawaco mid kamid ah kooxdan ka qaatayaasha halka kuwa kalane ay ka baxsadeen xilligaasi balse mar dambe oo ay dabagal ku sameeyaan hey’adaha Amniga ay soo qabteen Sedaxda eedeysane bishii sagaalaad ee sanadkaas.

- Advertisement -

Hey’adaha baarista ciidamada amniga ayaa ka gutay waajibaadkooda Baariseed, waxa ayna Xafiiska Xeer ilaalinta ku soo wareejiyeen kiiska Sedaxda eedeysane.

Garsoorayaasha oo ka baaran degaya nuxurka dacwada iyo mugga kiiska ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in Maxamed Cabduqaadir  Maxamed Cumar la siiyo xurriyadiisa hadii uusan jirin dambi kale halka Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame lagu xukumay 8-sano oo xabsi ciidan ah, sidoo kale Maxkamadda ayaa ku xukuntay Cabbdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre 5-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle  Sare xasan Cali Nuur  Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Xukunsayaasha ayaa heysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaab muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories