HomeCaalamkaGaari la jiirsiiyay dad ku sugnaa Goob ay ka socotay Munaasabad

Gaari la jiirsiiyay dad ku sugnaa Goob ay ka socotay Munaasabad

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Qof gaari watay ayaa dhex galay dadweyne isugu tagay munaasabad ka socotay magaalada Volkmarsen ee dalka Jarmalka, sida ay taliska booliska sheegeen. Ugu yaraan 10 ruux ayaa la rumeysan yahay inay ku dhaawacmeen halkaas, sida ay warbaahinta maxalliga ah tabiyeen. Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in la xiray darawalkii gaari waday. Wali lama oga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qof gaari watay ayaa dhex galay dadweyne isugu tagay munaasabad ka socotay magaalada Volkmarsen ee dalka Jarmalka, sida ay taliska booliska sheegeen.

Ugu yaraan 10 ruux ayaa la rumeysan yahay inay ku dhaawacmeen halkaas, sida ay warbaahinta maxalliga ah tabiyeen. Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in la xiray darawalkii gaari waday.

- Advertisement -

Wali lama oga ujeeddada rasmiga ah ee weerarkan.

Tiro badan oo shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa lagu arkayaa goobta uu falkan ka dhacay ee magaaladaas yar, oo ku taalla gobolka Hesse ee galbeedka Jarmalka.

Wariyeyaasha maxalliga ah ayaa sheegay in gaari noociisu yahay Mercedes, oo midabkiisu qalin yahay uu jiiray dadka, saacaddu markii ay ahayd abaare 14:30, wakhtiga maxalliga ah.

- Advertisement -

Sawirro lagu shaaciyay baraha bulshada ayaa muujinaya gaari noocaas ah oo ay ku hareereysan yihiin baabuurta gurmadka deg degga ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts