HomeWararKiiska Marxuumad Hodan Shanleyste oo markii 2-aad dib loo dhigay

Kiiska Marxuumad Hodan Shanleyste oo markii 2-aad dib loo dhigay

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Maxkamadda darajada koowaad ee Gobolka Nugaal ayaa markale Maanta u fariisatay dhageysiga kiiska 7 Nin oo loo heysto inay Magaalada Garoowe fal isugu jiray kusfi iyo dil ugu geysteen Hodan Axmed Maxamuud Shanleyste oo aheyd Haweeney Xaamilo ah. Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw Cismaan ayaa Maanta fadhiga Maxkamada ka sheegay in Kiiska […]

- Advertisement -

Maxkamadda darajada koowaad ee Gobolka Nugaal ayaa markale Maanta u fariisatay dhageysiga kiiska 7 Nin oo loo heysto inay Magaalada Garoowe fal isugu jiray kusfi iyo dil ugu geysteen Hodan Axmed Maxamuud Shanleyste oo aheyd Haweeney Xaamilo ah.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw Cismaan ayaa Maanta fadhiga Maxkamada ka sheegay in Kiiska Marxuumad Hodan Shanleyste dib loo dhigay muddo 4 maalmood ah, kadib markii uu Codsi ka yimid Ehelada Hodan.

- Advertisement -

Sidoo kale Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa waxaa uu sheegay in sababta ay ehelada u Codsadeen in dib loo dhigo Kiiska Hodan Shanleyste ay tahay in aabaha dhalay Marxuumada uu maqan ayna doonayan in 4 maalmood dib loo dhigo.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Gobolka Nugaal ayaa ku dhawaaqay Go’aanka Maxkamadda, wuxuuna sheegay in kiiska Hodan Shanleyste  markii saddexaad uu dib u furmi doono 26-ka bishaan February 2020.

Hodan Axmed Maxamuud Shanleyste oo ahayd Haweeney Xaamilo ah ayaa 11-kii April sanadkii hore 2019 waxaa fal isugu jiray kusfi iyo dil loogu geystay Magaalada Garoowe, waxaana Kiiskaas lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen 7 Nin.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories