HomeCaalamkaKenya iyo Maraykanka oo iska kaashanaya la dagaallanka hal arrin

Kenya iyo Maraykanka oo iska kaashanaya la dagaallanka hal arrin

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Dalka Maraykanka ayaa sheegtay in hay’adda dambi barista Maraykanka ee FBI iyo Dowladda Kenya ay iska kaashan doonaan dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero Argagixisada. Hay’adda FBI ayaa Kenya ka caawin doonta sare u qaadidda tayada baaritaannada iyo la dagaallanka Al-Shabaab. Koox baarayaal ah oo ka kooban 42 Kenyaan ah […]

- Advertisement -

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Dalka Maraykanka ayaa sheegtay in hay’adda dambi barista Maraykanka ee FBI iyo Dowladda Kenya ay iska kaashan doonaan dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero Argagixisada.

Hay’adda FBI ayaa Kenya ka caawin doonta sare u qaadidda tayada baaritaannada iyo la dagaallanka Al-Shabaab.

- Advertisement -

Koox baarayaal ah oo ka kooban 42 Kenyaan ah ayaa tababar ku saabsan la dagaallanka Al-shabaab kusoo qaadan doona muddo 12 Todobaad ah Machadka FBI Academy Gobolka Virginia ee Dalka Maraykanka.

Kenya iyo Marayakanka ayaa leh Guddi wada jir ah oo ay shaqadoodu tahay la dagaallanka waxa loogu Argagixisada, kaas oo la dhisay Bishii Jannaayo ee 2019-kii markii ay Al-Shabaab weerarka ku qaadday Hotelka DusitD2 ee Magaalada Nairobi.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories