HomeCaalamkaDiyaarado dagaal oo duqeymo ka geystay degaano ay heystaan Koox Mucaarad ah

Diyaarado dagaal oo duqeymo ka geystay degaano ay heystaan Koox Mucaarad ah

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Ciidanka cirka Dawladda Suuriya ayaa maalmihii lasoo dhaafay 200 oo duqaymo kala duwan ah ku garaacay deegaanada ay haystaan kooxaha mucaaradka oo ay kamid tahay magaalada Idlib. Duqaymahaas ayaa dhacay sedexdii maalmood ee la soo dhaafay, iyadoo ciidamada Siiriya ay ku bartilmaamsadeen koocaha mucaaradka ah balse waxaa ay duqaymahaas dhibaato xoogan u gaysteen dadka rayidka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka cirka Dawladda Suuriya ayaa maalmihii lasoo dhaafay 200 oo duqaymo kala duwan ah ku garaacay deegaanada ay haystaan kooxaha mucaaradka oo ay kamid tahay magaalada Idlib.

Duqaymahaas ayaa dhacay sedexdii maalmood ee la soo dhaafay, iyadoo ciidamada Siiriya ay ku bartilmaamsadeen koocaha mucaaradka ah balse waxaa ay duqaymahaas dhibaato xoogan u gaysteen dadka rayidka ah eek u dhaqan deegaanadaas.

- Advertisement -

Wakiilka gaarka ah ee Mareykanka ee Suuriya James Jeffrey ayaa cadeeyey in duqeymahaas ay fuliyeen ciidamada cirka Siiriya oo garab ka helaya Ruushka.

Wuxuu tilmaamay in hal mid kamid ah duqaymaha ay ku dhinteen 11 qof oo rayid ah, taasoo muujinaysa dhibaatada gaaraysa kooxcaha mucaaradka inay ka badan tahay mida ku dhacaysa dadka shacabka ah.

Arbacadii lasoo dhaafay ayaa ciidamada Siiriya waxay la wareegeen magaalada Macratul Nimcaan, oo ku taal wadada weyn ee u dhaxaysa magaalooyinka Dimishiq iyo Xalab.

- Advertisement -

James Jeffrey wuxuu sheegay in ciidamada kala duwan ee Dawladda Siiriya ay arrimahaas u arkaan horumar ay ka sameeyeen dalka Siiriya, balse uma muuqato dhibaatada ku dhacaysa dadka shacabka ah.

Qaramada Midoobay ayaa asbuucii hore sheegtay in qiyaastii 390,000 oo qof  ay ka barakceen dalka Suuriya iyadoo %80 ay yihiin haween iyo carruur, waxay kaloo intaa ku dartay QM tan iyo bishii December ee la soo dhaafay inay wadanka Suuriya ka qaxeen 400,000 oo qof oo kale oo magan galyo u doontay daafaha adduunka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts