HomeWararDad u socday Aroos oo ku le’day Qarax lagula eegtay Jubbada Hoose

Dad u socday Aroos oo ku le’day Qarax lagula eegtay Jubbada Hoose

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wararka aan ka heleyno Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Maanta qarax lagula eegtay gaari ay la socdeen dad la sheegay inay dhamoontood ahaayeen shacab.

Qaraxaas oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa lala eegtay Gaari nooca dadweynaha raacan ee Hoomey oo ay la socdeen 10 ruux oo shacab ah, waxaana qaraxu uu ku qabsaday xili ay marayeen inta u dhexeeysa Degmooyinka Afmadow iyo Dhoobley.

Dadka deegaanka oo la hadlay  laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa waxaa u sheegeen in qaraxaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii saarnaa Gaariga, kuwaasi oo u socday Xaflad Aroos ah.

Inta la xaqiijiyay shan ruux  ayaa ku geeriyooday qaraxaas, halka 6 qof kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhaawacmay si Deg-deg ah loogu soo qaaday Xarun Caafimaad oo ku taalla Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda  qaraxaas ka dhacay wadada u dhexeeysa Degmooyinka Afmadow iyo Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories