HomeCaalamkaMadaxweynaha Falastiin oo shaaciyay inuu xiriirka u Jaray Maraykanka

Madaxweynaha Falastiin oo shaaciyay inuu xiriirka u Jaray Maraykanka

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Mahmoud Cabbaas Abu Maazin Madaxwqeynaha Falastiin ayaa si cad u sheegay inuu xiriirka u jaray dawladda Maraykanka, isla markaana uu ka tanaasulay dhamaan wada hadaladii uu Maraykanka kula jiray, maadaama uu ogaaday in Maraykanku uusan daacad ka ahayn arrinta Falastiin.

Cabaas ayaa hadalkaan ka sheegay shir deg deg ah oo wadamada Carabta uga furmay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, shirkaas oo looga arrinsanayo tallaabada Maraykanku qaaday ee ku saabsan arrimaha Falastiin.

- Advertisement -

Maxamuud Cabbaas ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in kulamo badan la qabto si loogu wargeliyo bulshada Carabta mowqifkeena ku aadan sidii aan uga hor tagi lahayn qorshaha Mareykanka ee arrimaha Falastiin.

“Waxaan farriin u diray dhinacyada Maraykanka iyo Israell, waxaana idiin sheegayaa laga bilaabo maanta wax xiriir ah oo inoo dhexeeya ma jiraan, oo ay ku jiraan cilaaqaadka dhinaca nabadgelyada, maadaama Donald Trump uu dhankiisa ka baxay heshiisyadii aanu wada galnay” ayuu yiri Maxamuud Cabbaas Madaxweynaha Falastiin.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories