HomeWararSawirro:- Somalia iyo Marooko oo kala saxiixday heshiis cusub

Sawirro:- Somalia iyo Marooko oo kala saxiixday heshiis cusub

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Wasiirka Wasaardda Tamarta iyo Kheyraad ka Biyaha Soomaliya, Marwo; Fowsiyo Maxamed Shiikh ayaa kulan la qaadatay dhiggeeda Boqortooyada Dalka Marooko,  Abdelkader Amara , iyagoo ka wada hadlay in Iskaashi Labo geesood ah ay ka yeeshaan maamulka iyo maareynta  khyeyraadka Biyaha ee Labada Waddan. Labda Wasiir ayaa isku waafaqay in la dhiso Guddi Farsamo oo ka […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaardda Tamarta iyo Kheyraad ka Biyaha Soomaliya, Marwo; Fowsiyo Maxamed Shiikh ayaa kulan la qaadatay dhiggeeda Boqortooyada Dalka Marooko,  Abdelkader Amara , iyagoo ka wada hadlay in Iskaashi Labo geesood ah ay ka yeeshaan maamulka iyo maareynta  khyeyraadka Biyaha ee Labada Waddan.

Labda Wasiir ayaa isku waafaqay in la dhiso Guddi Farsamo oo ka arrinsada sidii Soomaliya looga taageeri lahaa  xirfadaha aqoonta la xiriirta horumarinta Biyaha ,  ilaalinta aaggaga dhowrsoon  iyo sidii loo joogteyn lahaa Biyaha.

- Advertisement -

Sidoo kale waxay Wasiirradu ka wada hadleen sidii Soomaliya looga taageeri lahaa qalabka fududeeya maareynta Biyaha, sida yaraynta fatahaadaha iyo ka faa’iideysiga Biyaha Roobka.

Wasiirka Wasaardda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaliya, Marwo; Fowsiyo Maxamed Sheekh, ayaa intaa ka dib booqatay goobo ay Dowladda Marooko ka fulisay mashaariic lagu horumarinayay isticmaalka Biyaha oo ay ka mid yihiin Dhaabab.

Biyo xireennada ay Wasiiradda iyo wafdigeedu booqdeen ayaa ahaa kuwo ay Dowladda Marooko u isticmaasho Koronto dhalin, waraabinta Beeraha, Biyo gelinta Magaalooyinka iyo arrimo kale kale.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories