HomeWararSawirro:- Sahan lagu bilaabay deegaan ku yaalla duleedka Muqdisho oo laga hirgelinayo...

Sawirro:- Sahan lagu bilaabay deegaan ku yaalla duleedka Muqdisho oo laga hirgelinayo Garoon Diyaaradeed oo Cusub

Date:

Related stories

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

 

Sahankii u horeeyay oo ah Mashruuc lagu dhisayo garoonka cusub ee diyaaradaha Muqdisho ayaa maanta bilowday, kaasoo qorshuhu yahay in lagu dhiso garoon diyaaradeed cabirkiisu yahay 14KM.

Dhul xeebeed ku yaala duleedka waqooyi bari ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta kormeer ku tagay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle, Xildhibaano, Sanetor, Ganacsato, iyo Duubabka dhaqanka, si ay indha indheyn ugu sameeyaan goob la filayo in laga dhagax dhigo mashruuca dhismaha garoonka cusub ee Muqdisho International Air Port.

Goobta la sahmiyay ayaa Muqdisho u jirta ku dhowaad 35KM, waxaana dhul ahaan ay ka tirsan tahay Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana ay u dhaxeysa Dekedii Ceel Macaan iyo degmada Warsheekh.

Mas’uuliyiintii booqday dhulkan loo qorsheynayo in laga dhiso garoon diyaaradeed ayaa isla qaatay inay tahay meel istiraatiijiyad ah oo ku habboon dhismo garoon diyaaradeed, marka loo eego baaxada dhulka uu ku fadhiyo, dhanka xeebta uu saaran yahay.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa in mustaqbalka laga guuri doono, maadaama magaalada gudaheeda uu ku yaallo, garoonkana uu isku bedelay meelo deegaan u ah Safaarado iyo Hey’addo shisheeye, sidaas darteed mustaqbalka la rajeynayo in garoon weyn oo caalami ah laga dhisi doono duleedka Muqdisho.

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa horay u balan-qaaday mashaariic ku baxaya ballaayiin doolar inay ka hirgelin doonto Soomaaliya, kaasoo uu ku jiro garoon diyaaradeed.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories