HomeWararDiyaarad Rakaab ah oo Duuliye la’aan duushay iyo Shirkadda Sameysay oo ka...

Diyaarad Rakaab ah oo Duuliye la’aan duushay iyo Shirkadda Sameysay oo ka hadashay Ammaanka lagu qabi karo

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Su’aasha ah goorma ayay dunida arki doontaa diyaarad rakaab oo aan duuliye lahayn waxay taagneyd muddo sannado ah, balse hadda waxaa muuqata in shirkadaha qaar ay arrintaa ku dhiiranayaan.

Inkastoo tiknoljiyadda casriga ah ay hadda ka hana qaaday dunida, haddana ma jirin caddeymo sax oo muujin kara in diyaaradaha ay duuli karaan iyadoo uusan la socon qof duuliye ah.

- Advertisement -

Shirkadda sameysa diyaaradaha ee Airbus ee Yurub ayaa xaqiijisay in mid ka mid ah diyaaradaheeda tijabaada ku jira ay duusha iyadoo uusan duuliye la’aan ah.

Diyaaradan waxay ka duushay garoon ku yaala Magaalada Toulouse-Blagnac ee dalka Faransiiska.

Shirkadda European aerospace ayaa bilihii lasoo dhaafay sameysay dhowr tijaabo oo ah diyaarado si iskood ah u duulaya, inkastoo diyaaradahaas ay la socdeen laba duuliye oo heegan ku jira haddii ay wax dhacaan.

- Advertisement -

 

Sida ay sheegtay shirkadda Airbus, diyaaradda nooceedu yahay A350-1000 ayaa sideed jeer duushay iyadoo wax duuliye uusan wadin, muddo afar saac iyo bar ahna hawada ku maqnayd.

“Intii aan ku wajahneyn halka ay diyaaradda ku oroddo oo aanu sugeynay in nala fasaxo waxaanu la macaamilnay duuliyaha casriga ah,” ayuu yiri kaptan Yann Beaufils oo tijaabada sameeyay.

“Waxaan dhaqaajinay gacanka diyaaradda laga duuliyo, si ay diyaaradda u duusho, indhaha ayaanu ku heynay diyaaradda, waxayy u dhaqaaqday si tartiib ah, iyada ayaa si toos ah u duusha,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Waxaa kale oo uu sheegay in afka hore ee diyaaradda uu sare u kacay, si ay madaxa kor ugu qaado, dhowr il-biriqsi kadibna diyaaradda waxay gashay hawada.

Muuqaal ay baahiysa Airbus, wuxuu muujinayaa mid ka mid ah duuliyeyaasha heeganka ku jira oo gacantiisu ay ka fogtahay halka diyaaradda laga hago, diyaaradduna si qumaati ah ay u kaceyso.

Arrintan ayaa la sheegay inay suurtageliysay tiknolojiyad casri ah oo si toos ah loogu rakibay diyaaradda, tas oo u sahashay in ay duusho duuliye la’aan.

Airbus waxaa kale oo ay sheegtay in qorsheheedu yahay in ay isku daydo qaab kale oo diyaaradda u sahli kara in ay si iskeed ah u timaado halka diyaaradaha ay ka duulaan ee garoonka, si fududna ay ku degi karto iyadoo duuliye la’aan ah.

Daraasad sannadkii 2019-kii laga sameeyay dalka Mareykanka oo ay ka qeyb qaateen dad gaaraya 22 kun ayaa lagu muujiyay in boqolkiiba 70% dadka safra ay u diyaar garoobi doonaan in ay ku safraan diyaarado iyaga is-hagi doonaa.

Hirgelinta arrintan ayaa loo sababeynayaa duuliyeyaasha oo la sheegay in ay ku yar yihiin dunida iyo sidii loo yareyn lahaa kharashaadka ku baxa.

Diyaaradaha rakaabka ee hadda dunida laga isticmaalo waxaa wada duuliyeyaal taageero ka helaya Kumbyuutaro ku rakiban diyaaradda, waxaana yar shaqada looga baahan yahay duuliyaha, maadaama diyaaradaha la isticmaalo ay u badan yihiin kuwa casri ah.

Haseyeeshee dad badan ayaa walaac ka muujiyay badqabka diyaarad uusan qof duuliye ah wadin, gaar ahaan markii ay dhowr jeer dhacday diyaarad nooceedu yahay Boeing 737 Max, taas oo dhicitaankeeda loo sababeeyay cilad dhanka tiknoljiyadda.

Sharciga diyaaradaha ee hadda dunida ka jira waxaa uu dhigayaa in diyaarad walba laga doonayo in ay la socdaan afar indhood oo micnaheedu yahay laba duuliye.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories