HomeCaalamkaDarbigii laga dhisayay xadka Mareykanka iyo Mexico oo dumay

Darbigii laga dhisayay xadka Mareykanka iyo Mexico oo dumay

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Waxaa burburtay qeyb cusub oo ka mid ah darbiga uu madaxweyne Donald Trump amarka ku bixiyay in laga dhiso xadka kala qeybiya Mareykanka iyo Mexico, ka dib markii ay dabeylo xoog badan ku dhufteen, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka. Jiingadihii birta ahaa ee darbigaas looga sameeyay magaalada Calexico ee gobolka California ayaa gabi ahaanba burburay […]

- Advertisement -

Waxaa burburtay qeyb cusub oo ka mid ah darbiga uu madaxweyne Donald Trump amarka ku bixiyay in laga dhiso xadka kala qeybiya Mareykanka iyo Mexico, ka dib markii ay dabeylo xoog badan ku dhufteen, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

Jiingadihii birta ahaa ee darbigaas looga sameeyay magaalada Calexico ee gobolka California ayaa gabi ahaanba burburay subaxnimadii Arbacada.

- Advertisement -

Shamiitadii lagu dhajiyay jiingadahaas adag, oo middiiba ay tahay 9 mitir, ayaan wali qallalin.

Dabeysha ku dhufatay aaggaas ayaa xawaaraheeda lagu qiyaasay 30 mph (48 kiiloo mitir saacaddiiba), sida ay sheegtay waaxda qaran ee saadaasha hawada Mareykanka.

Darbigan ayaa qeyb ka ah qorshaha ilaa hadda socda ee maamulka madaxweyne Trump uu ku dhisayo xeyndaab adag oo lagu hor joogsanayo qulqulka qaxootiga xiigsanaya Mareykanka ee ka gudba xadka uu dhirirkiisu yahay 3,145 km, ee kala qeybiya Mareykanka iyo Mexico.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories