HomeCaalamkaDiyaarad waxa ay tahay lagu Jahwareersan yahay oo burburtay

Diyaarad waxa ay tahay lagu Jahwareersan yahay oo burburtay

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Ciidamada Milatariga Mareykanka ee ku sugan dalka Afghanistan ayaa ku biiray howlgalka baaritaanka ah ee lagu wado diyaarad shalay oo Isniin aheyd ah ku burburtay bariga waddankaas. Saraakiil Maxali ah ayaa markii hore sheegay in diyaaradda oo ku dhacday deegaanka Deh Yak ee gobalka Ghazni ay leedahay shirkada diyaaradaha ee Ariana oo ah shirkad ay […]

- Advertisement -

Ciidamada Milatariga Mareykanka ee ku sugan dalka Afghanistan ayaa ku biiray howlgalka baaritaanka ah ee lagu wado diyaarad shalay oo Isniin aheyd ah ku burburtay bariga waddankaas.

Saraakiil Maxali ah ayaa markii hore sheegay in diyaaradda oo ku dhacday deegaanka Deh Yak ee gobalka Ghazni ay leedahay shirkada diyaaradaha ee Ariana oo ah shirkad ay leedahay dwoladda Afghanistan. Balse mas’uuliyiin u hadlay shirkadda ayaa beeniyay in diyaarad ay leeyihiin ay dhacday, waxaana taasi ay sababtay su’aalo badan oo la iska weydiinayo cidda iska leh diyaaraddan iyo sababta ay u dhacday.

- Advertisement -

Muuqaal ay kooxda Taliban soo dhigeen baraha bulshadda ayaa lagu soo bandhigay diyaarad ay ku tilmaameen midda dhacday, waxaana ka muuqday astaamaha ciidanka cirka ee Mareykanka.

Muuqaal kale iyo sawirro lagu shaaciyay internet-ka ayaa muujiyay diyaarad kuwa ciidamada cirka ee Mareykanku isticmaalaan ah oo uu nooceedu yahay Bombardier E-11A jet.

Milatariga Mareykanka ayaa diyaaradaha ceynkaas ah u adeegsada howlaha kormeerka ee ay ka sameeyaan dalka Afghanistan, waxaana tuulada ay ku dhacday diyaaradda ku dhow meel ay awood ku leeyihiin xoogagga Taliban.

- Advertisement -

Barasaabka gobolka Ghazni, Wahidullah Kaleemzai ayaa goor dambe warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay ee TOLOnews ku yiri: “Ma jirto xog rasmi ah oo ku saabsan diyaaradda magaceeda iyo khasaaraha ka dhashayba”.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories