HomeCaalamkaMadaxweyne Xi Jinping oo Digniin kasoo saaray Cudurka ka dilaacay Shiinaha

Madaxweyne Xi Jinping oo Digniin kasoo saaray Cudurka ka dilaacay Shiinaha

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Faafidda feyriska ku dhaca neef mareen ayaa si xawli ah ugu sii fidaya dalka Shiinaha, waxaa sidaasi ka digay madaxwaynaha Shiinaha Xi Jinping. Mdaxwaynaha ayaa kulan degdeg ah isugu yeeray saraakiisha dowladda xilli dalkaasi looga dabaaldagayo sanadka cusub ee Shiinaha ee Lunar. Dalka waxa uu wajahayaa “Xaalad qalafsan” waxaa uu Mr Xi sidaasi u sheegay […]

- Advertisement -

Faafidda feyriska ku dhaca neef mareen ayaa si xawli ah ugu sii fidaya dalka Shiinaha, waxaa sidaasi ka digay madaxwaynaha Shiinaha Xi Jinping.

Mdaxwaynaha ayaa kulan degdeg ah isugu yeeray saraakiisha dowladda xilli dalkaasi looga dabaaldagayo sanadka cusub ee Shiinaha ee Lunar.

- Advertisement -

Dalka waxa uu wajahayaa “Xaalad qalafsan” waxaa uu Mr Xi sidaasi u sheegay saraakiisha sarsare.

Feeriska ayaa waxaa ilaa iyo imika u dhintay ugu yaran 56, halka uu guud ahaan Shiinaha uu soo ritay dad gaaraya 2,000.

Waxaa aqlabiyada dadka uu cudurkan soo ritay ay ku nool yihiin magaalada Wuhan.

- Advertisement -

Seynisyahano ayaa sheegaya in dowladda Shiinaha laga doonaya in ay dhinto heerka isu gudbinta feeriskan faraha ba’an ku haya dalkaasi ee neef mareenka ku dhaca %60 waa haddii ay tahay in cudurka la joojiyo.

Digniintan ka timid xarunta xakamaynta cudurada ee UK ayaa imaanaysa xilli ay dowladda Shiinaha ku dhawaaqday in tirada dhimashada cudurkan ay sii koradhay.

Mas’uuliyiinta waddanka Shiinaha ayaa joojiyay adeegyadii diyaaradaha iyo tareennada ee magaalada Wuhan oo ah magaalo ay ku nool yihiin 11 malyan oo ruux – waxaana sidoo kale la hakiyay gaadiidkii dadweynaha ee ka dhex shaqeynayay gudaha magaalada.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories