HomeCaalamkaGolaha A/Islaamka Itoobiya oo 60 sano kadib la siiyay Sharci Ogolaansho ah

Golaha A/Islaamka Itoobiya oo 60 sano kadib la siiyay Sharci Ogolaansho ah

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Golaha sare ee Arimaha Islaamka dalka Itoobiya ayaa 60-sano kadib Golaha Wasiirada dalkaasi Ethiopia ka helay aqoonsi rasmi ah oo uu kaga shaqayn karo dalkaasi, taasoo noqotay guul usoo hoyatay bulshada islaamka ah ee ku dhaqan dalka Ethiopia. Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed wuxuu sheegay in golaha Wasiiradu ay si aqlabiyad ah u meel […]

- Advertisement -

Golaha sare ee Arimaha Islaamka dalka Itoobiya ayaa 60-sano kadib Golaha Wasiirada dalkaasi Ethiopia ka helay aqoonsi rasmi ah oo uu kaga shaqayn karo dalkaasi, taasoo noqotay guul usoo hoyatay bulshada islaamka ah ee ku dhaqan dalka Ethiopia.

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed wuxuu sheegay in golaha Wasiiradu ay si aqlabiyad ah u meel mariyeen sharci mudo dheer qabyo ahaa kaasoo si rasmi ah u aqoonsanaya Golaha Sare ee Arimaha Islaamka oo ah golaha maamula arimaha Muslimka ee wadankaasi.

- Advertisement -

Go’aanka ay meelmariyeen Golaha Wasiirada Ethiopia ayaa ka jawaabay dalabkii ay bulshada muslimiinta Ethiopia usoo jeediyeen xukuumadda kaasoo ahaa in muslimiintu ay baahi u qabaan inay yeeshaan Gole si sharci ah dawladdu u aqoonsan tahay si loogu sameeyo machad diimeed soo abaabula arrrimaha islaamka isla markaana fuliya shuruucda bulshooyinka islaamka ah ee Ethiopia, isla markaana dammaanad qaadaya xuquuqdooda bulsho ahaaneed iyo inay xiriir toos ah la yeeshaan hay’adaha diimeed  iyo bulshooyinka kale ee dalka Ethiopia.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories