HomeWararDhallinyaro Soomaali ah oo 170,000 oo Dollar Magdhow ahaan uga helay dowladda...

Dhallinyaro Soomaali ah oo 170,000 oo Dollar Magdhow ahaan uga helay dowladda Maraykanka

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Agaasimaha Fulinta ee Golaha Xiriirka Maraykanka iyo Islaamka ee Gobalka Minnesota ee dalkaasi, Jaylaani Xuseen ayaa sheegay in Heshiis laga gaaray dhacdadii ay Boliska magaalladaasi sida kediska ah ugu jeebadeeyaan 4 dhallinyaro Soomaali ah sannadkii 2018-kii.

Dhallinyaradaasi oo walaalo ah, da’doodana u dhexeeyso 13 ilaa 16-jir ah ayaa waxaa katiinad ku jeebadeeyey Saraakiil Bolis oo ka tirsan Boliska ku shaqada leh Goobaha Barxadaha iyo Jardiinooyinka ee magaalladda Minneapolis.

Shilkaasi oo ka dhacay Barxadda jardiin Gobaleedka ee Minnehaha Regional Park bishii July 10-dii ee sanadkii 2018-kii,  iyadoo mid ka mid ah Saraakiisha Boliska uu qorigiisa ku cabsi-geliyey dhallinyaradaasi oo gacmaha laga katiinadeeyey.

Agaasimaha Fulinta ee Golaha Xiriirka Maraykanka iyo Islaamka ee Gobalka Minnesota ee dalkaasi, Jaylaani Xuseen waxa uu sheegay inay Boliska magaalladda Minneapolis la gaareen Heshiis ay Magdhow kaga bixinayaan Tacadiga iyo Cabsi-gelinta loo geystay dhallinyarada Soomaalida ee Toban jirayaasha ah.

Waxa uu xusay inay labada dhinac isla gaareen inay Boliska Minneapolis inay bixiyaan 170,000 oo Dollar oo si siman loogu qeybinayo Qoyska afarta wiil ee dhibanayaasha ah.

Jaylaani Xuseen iyo Hooyada dhashay dhallinyaradaasi oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Minneapolis waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay Boliska qirteen inay qirteen inay dhacdadaasi ka dambeeyey, kana bixinayaan magdhow iyo Raalli-gelin.

 

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories