HomeCaalamkaCudurka aan la aqoon ee ka dilaacay Shiinaha oo khal-khal geliyay Caalamka

Cudurka aan la aqoon ee ka dilaacay Shiinaha oo khal-khal geliyay Caalamka

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Magaalo labaad oo ku taalla waddanka Shiinaha ayaa go’doon la galiyay ka dib markii uu gaaray cudur garanwaa ah oo ka dillaacay dalkaas, kaasoo la isku dayayo in la xakameeyo. Cudurkan cusub ayaa ilaa hadda galaaftay nolosha 17 ruux, wuxuuna abuuray cabsi badan oo dunida ku faaftay. Mas’uuliyiinta waddanka Shiinaha ayaa joojiyay adeegyadii diyaaradaha iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalo labaad oo ku taalla waddanka Shiinaha ayaa go’doon la galiyay ka dib markii uu gaaray cudur garanwaa ah oo ka dillaacay dalkaas, kaasoo la isku dayayo in la xakameeyo.

Cudurkan cusub ayaa ilaa hadda galaaftay nolosha 17 ruux, wuxuuna abuuray cabsi badan oo dunida ku faaftay.

- Advertisement -

Mas’uuliyiinta waddanka Shiinaha ayaa joojiyay adeegyadii diyaaradaha iyo tareennada ee magaalada Wuhan – oo ah magaalo ay ku nool yihiin 11 malyan oo ruux – waxaana sidoo kale la hakiyay gaagiidkii dadweynaha ee ka dhex shaqeynayay gudaha magaalada.

Tallaabooyin noocaas ah ayaa hadda laga hirgalinayaa magaalada u dhow Wuhan ee lagu magacaabo Huanggang, oo ay ku nool yihiin in ka badan 7 malyan oo qof.

Waxaa la xaqiijiyay in ka badan 500 oo kiis oo cudurkaas ah, wuxuuna kusii fiday dalal ka baxsan Shiinaha.

- Advertisement -

Cudur-sidahan oo lagu magacaabay “coronavirus” ayaa la aaminsan yahay inuu markii ugu horreysay ka dillaacay suuqa magaalada Wuhan.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in suuqa iyo agagaarkiisa ay ahayd meel aad u ur badan, oo uu ku tilmaamay “sida adduunyo gaddoon”.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts