HomeWararDiyaarado dagaal oo Duqeeyay deegano ka tirsan Sh/Hoose iyo Jubbada Dhexe

Diyaarado dagaal oo Duqeeyay deegano ka tirsan Sh/Hoose iyo Jubbada Dhexe

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas diyaarado dagaal ay duqeymo ka fuliyeen. Duqeynta ayaa waxaa laga fuliyay deegaanada kala ah Saakow iyo deegaano u dhaxeeya Jilib iyo Bu’ale oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe, waxaana la sheegayaa in halkaas ay ku […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas diyaarado dagaal ay duqeymo ka fuliyeen.

Duqeynta ayaa waxaa laga fuliyay deegaanada kala ah Saakow iyo deegaano u dhaxeeya Jilib iyo Bu’ale oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe, waxaana la sheegayaa in halkaas ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

- Advertisement -

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in duqeynta Koowaad ay ka dhacday deegaan lagu magacaabo Hargeysa-yarey, waxaana la sheegay in halkaas lagu burburiyey Xarun Al-Shabaab ay ku lahaayeen, sidoo kalena lagu dilay xubin kamid ah Al-shabaab.

Dad ku sugan deegaanada duqeynta laga fuliyay ayaa soo sheegaya in xalay ay maqlayeen Jug Culus iyo guuxa diyaarado joog hoose ku socda, isla markaana ay dareen Cabsi xoogan, sidoo kalena aysan sheegi Karin in dad shacab ay waxyeelo kasoo gaartay duqeymahaas.

Inta badan diyaaradaha Mareykanka oo kaashanaya Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa duqeymo ka geysta deegaanada ay Gobolada dalka uga sugan yihiin Al-shabaab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories