HomeWararWasaaradda Caafimaadka Turkiga oo War kasoo saartay Qaraxii Maanta ee Afgooye

Wasaaradda Caafimaadka Turkiga oo War kasoo saartay Qaraxii Maanta ee Afgooye

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Wasiirka Caafimaadka Turkiga ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka ku sheegay in lix qof oo Turki ah oo laba xaaladdoodu halis tahay ay ku dhaawacmeen qaraxaa maanta dhacay Degmada Afgooye ee Sh/Hoose. Waxa kale oo uu intaa ku daray in sidoo kale dadka dhaawacmay ay ku jiraan 9 Soomaali ah oo lagu dabiibayo Isbitaalka […]

- Advertisement -

Wasiirka Caafimaadka Turkiga ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka ku sheegay in lix qof oo Turki ah oo laba xaaladdoodu halis tahay ay ku dhaawacmeen qaraxaa maanta dhacay Degmada Afgooye ee Sh/Hoose.

Waxa kale oo uu intaa ku daray in sidoo kale dadka dhaawacmay ay ku jiraan 9 Soomaali ah oo lagu dabiibayo Isbitaalka Racep Tayyip Erdogan ee Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

“Baabuur miidaame ah oo xawli badan ku socda ayaa galay goob ay Injineero Turki ah iyo askar booliska ahi ay ka qadaynayeen” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Booliska oo la hadlay wakaaladda wararka ee Rueters.

Wasiirka arrimaha dibaddaTurkiga ayaa isna qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku baahiyey ku sheegay in weerarad noocan ahi aanay ka joojinayn dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxaanu intaa ku daray in ay mar walba garab taaganyihiin walaaladooda Soomaaliya.

- Advertisement -

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Degmada Afgooye, kaas oo lala eegtay Injireero Turki ah iyo Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda oo ilaalo u ahaa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories