HomeWararIsrael oo cabsi Al-shabaab darteed uga digtay Muwaaddiniinteeda in ay tagaan Itoobiya 

Israel oo cabsi Al-shabaab darteed uga digtay Muwaaddiniinteeda in ay tagaan Itoobiya 

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Israel waxay ka mamnuucday Ergooyinka Ardaydooda inay booqdaan dalka Ethiopia, kadib, digniino dhanka Amniga oo lagu sheegay cabsi suurto-gal ah inay Alshabaab weeraro ka geystaan gudaha dalkaasi. Warbaahinta Israel waxay sheegtay inay Wasaaradaha Tacliinta iyo Arrimaha Dibedda ee Israel soo kala saareen Qoraalo ay ku xuseen inay go’aansadeen inaan wax Ergo Arday ah loo dirin  […]

- Advertisement -

Israel waxay ka mamnuucday Ergooyinka Ardaydooda inay booqdaan dalka Ethiopia, kadib, digniino dhanka Amniga oo lagu sheegay cabsi suurto-gal ah inay Alshabaab weeraro ka geystaan gudaha dalkaasi.

Warbaahinta Israel waxay sheegtay inay Wasaaradaha Tacliinta iyo Arrimaha Dibedda ee Israel soo kala saareen Qoraalo ay ku xuseen inay go’aansadeen inaan wax Ergo Arday ah loo dirin  dalka Ethiopia.

- Advertisement -

Tallaabadan ayaa timid, kadib, markii la hakiyey dhamaan Duulimaadyadda Shirkadaha Diyaaradaha Israel u qorsheysnaa inay sannadkan ku tagaan caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa.

Hay’adda Israel ugu qaabilsan La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda waxay dhawaan sheegtay inay jiraan cabsiyo suurtogal ah oo lagu waxyeeleyn karo Muwaadiniinta Israel ee ku nool Xuduudka Bariga Ethiopia ee Gobalka Soomaalida.

Waxay kaloo ka digeen in laga yaabo inay weeraradaasi ku sii faafaan gudaha dalka Ethiopia.

- Advertisement -

Dowladda Israel waxay sheegtay inay Hay’addaha Ammaanka Ethiopia ku guul-daraysteen digniino dhanka Ammaanka oo ay u gudbiyeen, iyadoo bishii April ee sannadkii hore ay dhowr weerar ka dhaceen dalkaasi.

Xiriirka u dhexeeya Israel iyo Ethiopia ayaa ahaa mid aad u deganaa tan iyo markii uu Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed booqashada ku tegay Israel.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories