HomeCaalamkaMaxaad ka ogtahay inuu burburay Heshiiska xabad joojinta ee Liibiya?

Maxaad ka ogtahay inuu burburay Heshiiska xabad joojinta ee Liibiya?

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Dhinacyada isku haya dagaalka dalka Libya ayaa midba midka kale ku eedeeyay in uu jabiyay xabad joojin ay garwadeen ka ahaayeen beesha caalamka, saacado un kadib markii ay dhaqan gashay. Xabad joojinta burburtay ayaa bilaabatay maalin kahor, kadib markii Dowladda Libya ay cadaadis kala kulantay dalalka Ruushka iyo Turkiga, si ay u aqbasho. Dowladda ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dhinacyada isku haya dagaalka dalka Libya ayaa midba midka kale ku eedeeyay in uu jabiyay xabad joojin ay garwadeen ka ahaayeen beesha caalamka, saacado un kadib markii ay dhaqan gashay.

Xabad joojinta burburtay ayaa bilaabatay maalin kahor, kadib markii Dowladda Libya ay cadaadis kala kulantay dalalka Ruushka iyo Turkiga, si ay u aqbasho.

- Advertisement -

Dowladda ay Qaramada midoobay aqoonsan tahay iyo jabhadda uu hogaamiyo Jeneraal Khalifar Haftar ayaa sheegay in dagaal uu ka bilawday meel aan ka fogeyn caasimadda dalkaas ee Tripoli.

Wakaaladda wararkaee Reuters ayaa kusoo warrantay in maalintii axadda dhawaqa rasaasta laga maqlayay meelo badan oo duleedka caasimadda.

Dowladda Turkiga ayaa toddobadkii lasoo dhaafay ciidamo u dirtay dalkaas, si ay gacan u siiyaan Dowladda.

- Advertisement -

Jeneraal Haftar ayaa waxaa uu taageero ka heystaa dalalka Masar, Sacuudiga, Imaaraatka iyo Urdun, taas oo keentay in dalka shidaalka leh ee Libya uu noqdo goob horleh oo ay ku dagaalamaan dhinacyada isku haya bariga dhexe, ayna noqoto Suuriyada labaad.

Sido kale dowladda ay Qaramada midoobay aqoonsan tahay ee Libya ayaa taageero ka heysata dalalka Qatar iyo Turkiga.

Xilli xiisad ay ka taagan tahay dalkaas ayaa waxaa lagu soo warramayaa in kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalama dalkaas iyo qulqulka muhaajiriinta uu xoogeystay, waxay arrintaas walaac ku keentay dalalk Yurub oo ay dalka Libya wadaagaan xuduud dhanka badda Mediterranean-ka.

Dalka Libya ayaa qalalaaso ku jiray tan iyo sanadkii 2011, xilligaas oo uu bilawday kacdoon xilka lagaga tuuray hogaamiyihi mudada dheer kasoo talinayay dalkaas ee Muammar Gaddafi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts