HomeCaalamkaMadax Caalami ah oo shir ka yeeshay xaaladda ka taagan Liibiya

Madax Caalami ah oo shir ka yeeshay xaaladda ka taagan Liibiya

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Madaxweynaha dalka ruushka Vladimir Putin ayaa si cad u tilmaamay in xaaladda ka taagan dalka liibiya ay si weyn u saamayn doonto xasiloonida wadamada gobolka isla markaana ay liddi ku tahay dalalka yurub. wuxuuna hadalkaan sheegay xilli uu socday shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen hogaamiyaha dalka jarmalka Angella Mercal iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dalka ruushka Vladimir Putin ayaa si cad u tilmaamay in xaaladda ka taagan dalka liibiya ay si weyn u saamayn doonto xasiloonida wadamada gobolka isla markaana ay liddi ku tahay dalalka yurub.

wuxuuna hadalkaan sheegay xilli uu socday shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen hogaamiyaha dalka jarmalka Angella Mercal iyo madaxweynaha ruushka Vladimir Putin.

- Advertisement -

Kulankan oo qaatay mudo ka badan saddex saacadood oo ka dhacay caasimadda Moscow ayay sidoo kale kaga hadleen xaaladaha ka jira dalalka ku yaalla bariga dhexe iyo dalka liibiya, iyagoo isku raacay inay yihiin xaalado aan la dhayalsan karin.

Putin wuxuu tilmaamay in la joogo xilligii wada hadal iyo isfahan nabadeed lagu dhamayn lahaa arrimaha liibiya, si taas loo meelmariyo ayay tahay in caasimadda jarmalka ee Berlin la isugu keeno dhinacyada isku haya dalka liibiya.

Hogaamiyaha Jarmalka Angela Markel ayaa si cad u tilmaantay in dawladdeedu aysan ku tala gelin inay fara gelin qaawan ku samayso xaaladda liibiya balse ay doonayso in wada hadal lagu xalliyo dhibaatada ka taagan dalka liibiya.

- Advertisement -

Angela Merkel iyo Vladimir Putin ayaa sidoo kale isku raacay in haddii ay sii socdaan xaaladaha cakiran ee ka jira dalalka bariga dhexe ay saamayn xoogan ku yeelan karaan dalalka gobolka iyo dhamaan caalamka intiisa kale, iyagoo maraykanka iyo iiraan ugu baaqay inay joojiyaan weerarada iyo colaadaha ka dhex aloosmay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts