HomeWararTurkiga oo bilaabay in uu ciidamadiisa u daabulo Liibya

Turkiga oo bilaabay in uu ciidamadiisa u daabulo Liibya

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dowladiisa ay bilawday in ay daabusho ciidamo uu baarlamaanka dalkaas aqbalay in la geeyo dalka Libya. Erdogan ayaa sheegay in ujeedada Turkiga uu ka leeyahay arrintan ay tahay xaqiijinta xasiloonida dowladda uu caalamka taageero ee fadhigeedu yahay caasimadda Tripoli. Dowladda Libya ayaa dagaal kula jirto maleeshiyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dowladiisa ay bilawday in ay daabusho ciidamo uu baarlamaanka dalkaas aqbalay in la geeyo dalka Libya.

Erdogan ayaa sheegay in ujeedada Turkiga uu ka leeyahay arrintan ay tahay xaqiijinta xasiloonida dowladda uu caalamka taageero ee fadhigeedu yahay caasimadda Tripoli.

- Advertisement -

Dowladda Libya ayaa dagaal kula jirto maleeshiyo uu hogaamiyo Jeneraal Khalifa Haftar oo fadhigoodu yahay bariga dalka Libya.

Jeneraal Haftar ayaa waxaa taageero dalalka Masar iyo Imaaraatka, halka dowladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ay taageersan yihiin Turkiga iyo Qatar.

Maleeshiyaadka Jeneraal Haftar ayaa isku dayaya in ay la wareegaan gacan ku heynta caasimadda Tripoli, waxaana lagu eedeeyay duqeymo dhanka cirka ah oo laba malain kahor lala eegtay iskool milatero, halkaas oo ay ku dhinteen 30 qof, inkastoo ay beeniyeen in ay ka dambeyeen weerarkaas.

- Advertisement -

“Hawsha askarteena waxay tahay isku duba ridka, waxay horumarin doonaan xarunta dhexe ee hawgallada, hadda ayayna socota daabukida askarta,” ayuu Erdogan u sheegay telefishenka CNN, qeybta ku hadasha af Turkiga.

Madaxweyne Erdogan waxaa kale oo uu sheegay in ujeedadad Turkiga aysan ahayn dagaal, balse ay tahay in uu taageero u muujiyo dowladda sharciga ku dhisan iyo sidii looga hortago lahaa mussiibo ban’aadam oo ka dhalata dagaalada dalkaas.

Dalalka Israel, Qubrus iyo Greek ayaa Turkiga uga digay ciidamada uu geynayo Libya, waxaana ay ku tilmaameen xasilooni darri horleh oo kusoo korodhay gobolka iyo in ay tahay arrin sharci darro ah oo kasoo horjeedo cunaqabateynta Qaramada Midoobay ay saartay Libya.

“Faragelinta dibadda ee Libya waxay uga sii dareysaa xaaladda,” sidaas waxaa Erdogan u sheegay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo khadka taleefoonka ay ku wada hadleen.

Wakalaadda wararka ee AFP oo soo xiganeysa ilo diblomaasiyaadeed ayaa kusoo warrantay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay kulan albaabada u xiran yihiin ka yeelan doonaan xaaladda Libya.

Qorshaha uu Turkiga ciidamada ku geynayo dalka Libya ayaa waxaa ansixiyay xildhibaano gaaraya 325, halka 184 ay kasoo horjeesteen.

Madaxweyne Erdogan oo aan fahfaahinin tirade ciidamada la geynayo Libya ayaa sheegay in xukuumadda Tripoli ay codsatay ciidamadaas.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

No posts to display

Recent Posts

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

As Justin Davis Leaves Mogadishu, Washington Is Asking a Different Question About Somalia

As Justin Davis concludes his tenure as Chargé d’Affaires at the United States Embassy in Mogadishu, he leaves at...

Journalist Dies from Gunshot Injuries, NUSOJ Demands Justice and Accountability

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) is deeply saddened by the death of Bashir Mohamed Abdullahi, a reporter...

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel and the Two Mothers: The Truth Behind the Story

Daniel and the two mothers: what is true, what is unconfirmed?

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Italy Expands Police Training Support for Somalia

Talyaaniga ayaa Muqdisho ku shaaciyay qorshe lagu xoojinayo iskaashiga amni ee Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayo tababarka booliiska, dhismaha hay’adaha amniga iyo ka hortagga xagjirnimada.

Türkiye pledges continued security and economic support for Somalia

Danjiraha Turkiga Alper Aktaş oo ka hadlaya Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha ee Muqdisho

Somalia Sets September 30 for Galmudug, Hirshabelle Elections

The elections hold broader significance for Somalia's political stability. Federal member state elections are crucial for establishing legitimate regional administrations that can partner with the federal government on security, development, and constitutional reform. Any delays or disputes could undermine progress toward the national elections scheduled for 2027. Both elections will proceed simultaneously on September 30, with results expected shortly thereafter.

SNA brobes video of soldiers suffocating bound Al-Shabaab suspect

Somalia's military opened a preliminary investigation on Tuesday after a video circulated online appeared to show members of the...

Follow us

[td_block_social_counter facebook="tagdiv" manual_count_facebook="26400" twitter="tagdivofficial" manual_count_twitter="7500" youtube="tagdiv" style="style6 td-social-boxed" tdc_css="eyJwb3J0cmFpdCI6eyJtYXJnaW4tYm90dG9tIjoiMjAiLCJkaXNwbGF5IjoiIn0sInBvcnRyYWl0X21heF93aWR0aCI6MTAxOCwicG9ydHJhaXRfbWluX3dpZHRoIjo3NjgsImFsbCI6eyJtYXJnaW4tYm90dG9tIjoiNDAiLCJkaXNwbGF5IjoiIn0sInBob25lIjp7ImRpc3BsYXkiOiIifSwicGhvbmVfbWF4X3dpZHRoIjo3Njd9" f_counters_font_family="global-font-2_global" f_network_font_family="global-font-2_global" f_btn_font_family="global-font-2_global" f_counters_font_size="eyJhbGwiOiIxMyIsInBvcnRyYWl0IjoiMTIifQ==" f_network_font_size="eyJhbGwiOiIxMyIsInBvcnRyYWl0IjoiMTEiLCJsYW5kc2NhcGUiOiIxMSJ9" f_btn_font_size="eyJhbGwiOiIxMyIsInBvcnRyYWl0IjoiMTEifQ=="]

Popular

spot_img

Popular Categories