HomeWararMaxkamadda sare ee Ciidamada Puntland oo xukun ku ridday Askar lagu eedeyay...

Maxkamadda sare ee Ciidamada Puntland oo xukun ku ridday Askar lagu eedeyay in ay dilal geysteen

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee dowladda Puntland, ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay saddex askari oo ka tirsanaa Ciidamada Puntland oo lagu helay in ay dileen askar iyo sarkaal Ciidan. Axmed Aaden Maxamed (Gaagaale) oo lagu helay in uu dilay Taliyihii Saldhiga Booliiska ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso, G/sare Xassan […]

- Advertisement -

Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee dowladda Puntland, ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay saddex askari oo ka tirsanaa Ciidamada Puntland oo lagu helay in ay dileen askar iyo sarkaal Ciidan.

Axmed Aaden Maxamed (Gaagaale) oo lagu helay in uu dilay Taliyihii Saldhiga Booliiska ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso, G/sare Xassan Shire Ammaan oo horay dil loogu xukumay, ayaa Maxkamaddu mar kale ku ridday dil toogasho ah.

- Advertisement -

Sidoo kale, Ayaanle Maxamed Cabdi oo horay u dilay askari kale, islamarkaana dil ku xukunnaa, ayaa isna Maxkamaddu mar kale dil toogasho ah ku ridday. Axmed Maxamed Muuse oo ka tirsanaa Ciidanka PMPF, horayna u dilay askari kale, ayaa isna mar kale lagu riday xukun toogasho ah.

Dhinaca kale, Cabdulqaadir Axmed Maxamed oo ka tirsanaa Ciidamada Puntland, horayna magaalada Boosaaso ugu dilay nin ka soo jeeda dalka yemen, ayaa isna lagu xukumay in uu bixiyo Mag dhan 100-halaad oo geela, kadib markii ay Yemeniyiinta sheegeen in ay Mag ka qaadanayaan.

Ugu dambeyntii, Cabdulqaadir Ayaanle Maxamed oo isna si Kamma’ qof shacab ah ugu dilay magaalada Boosaaso, ayaa Maxkamaddu ku xukuntay in uu bixiyo Magta qofkii uu dilay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories