HomeWararXukun lagu riday Odayaal iyo Siyaasi kasoo horjeeda Xukuumadda Saciid Deni

Xukun lagu riday Odayaal iyo Siyaasi kasoo horjeeda Xukuumadda Saciid Deni

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Maxkamada Darajada kowaad ee Gobalka Bari ayaa Maanta oo Axad ah u fariisatay dhageysiga dacwad loo geysto Odayaal iyo Siyaasi bil ka hor lagu xiray Magaalada Boosaso ee Xarunta Gobolka Bari, iyadoo lagu riday xukuno kala duwan. Maxkamada Darajada kowaad ee Gobolka ayaa xabsi muddo saddex bilood ah iyo ganaax lacageed oo dhan 500 oo […]

- Advertisement -

Maxkamada Darajada kowaad ee Gobalka Bari ayaa Maanta oo Axad ah u fariisatay dhageysiga dacwad loo geysto Odayaal iyo Siyaasi bil ka hor lagu xiray Magaalada Boosaso ee Xarunta Gobolka Bari, iyadoo lagu riday xukuno kala duwan.

Maxkamada Darajada kowaad ee Gobolka ayaa xabsi muddo saddex bilood ah iyo ganaax lacageed oo dhan 500 oo dollar ku riday Siyaasi Muuse Cali Jaamac, Nabadoon Cabdullaahi Yuusuf Buuxe iyo Nabadoon Cawad Aadan Maxamed.

- Advertisement -

Sidoo kale Maxkamadda ayaa Nabadoon Cabdicasiis Bayadhabo iyo Nabadoon Maxamuud Aadan Rooble ku xukuntay laba sano oo xabsi iyo ganaax lacageed oo dhan 1,000 oo dollar.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Maxkamada Darajada kowaad ee Gobalka Bari oo ka hadlay fadhiga Maxkamadda  ayaa sheegay in eedeeysanayaasha la xukumay ay ku cadaatay dembiyo ay kamid yihiin kicin dadweyne iyo Aflagaado ay u geysteen Xukuumadda uu hogaamiyo Maaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Odayaasha iyo Siyaasiga ayaa bil kahor waxaa lagu xiray Xabsi ku yaalla Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, waxaana Maanta oo Axad ah ugu dambeyn lagu riday xukuno kala duwan oo isugu jira xabsi iyo ganaax lacageed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories