HomeWararSawirro:-Weerar Culus oo weli ka socda Saldhiga Ciidanka Mareykanka iyo Kenya

Sawirro:-Weerar Culus oo weli ka socda Saldhiga Ciidanka Mareykanka iyo Kenya

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xoogan oo weli ka socda Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Mareykanka ee Badda iyo kuwa Kenya, kaasi oo ku yaal Gobolka Lamu ee waddanka Kenya. Weerarka oo ahaa mid ku bilowday Qaraxyo ayaa waaberigii hore ee saakay rag ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada oo lagu magacaabo […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xoogan oo weli ka socda Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Mareykanka ee Badda iyo kuwa Kenya, kaasi oo ku yaal Gobolka Lamu ee waddanka Kenya.

Weerarka oo ahaa mid ku bilowday Qaraxyo ayaa waaberigii hore ee saakay rag ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada oo lagu magacaabo Camp Simba, waxaana socda dagaal u dhexeeya Ciidanka halkaas ku sugan iyo Al-shabaab.

- Advertisement -

Sawirro laga soo qaaday Gudaha Saldhiga laguna faafiyay baraha Bulshada ayaa lagu arkayaa qiic iyo Uura Madoow oo cirka isku shareertay, waxaana weerarka ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan weli la xaqiijin inta uu la egyahay.

War qoaal ah oo ku qornaa luuqadaha Carabiga iyo Enlgish-ka oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheeteen Mas’uuliyada weerarka ka socda Saldhiga Ciidamada Mareykanka ee Badda iyo kuwa Kenya ee Camp Simba.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Mareykanka iyo Kenya ee ku sugan qeybo kamid ah Gobolka Lamu ee dalka Kenya oo ay uga hadlayaan weerarkaas.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories