HomeCaalamkaMeydka Qaasim Suleymaani oo la geeyay Iiraan iyo dad badan oo isu...

Meydka Qaasim Suleymaani oo la geeyay Iiraan iyo dad badan oo isu soo baxay

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Kumannaan qof oo baroor-diiq samaynaya ayaa maanta isugu soo baxay waddooyiina magaalada Ahvaz si ay halkaasi ugu qaabilaan maydka Qasem Soleimani oo ahaa Janraal ay Mareykanka ku dileen duqeyn Magaalada Baqdaad.

Dadka baroo-diiqa sameynayay ayaa xabad gacmaha ku garaaacayay, iyaga oo ku luuqeynayay “Mareykanku ha dhinto”.

- Advertisement -

Wakaalada wararka ee Iiraan ee loo soo gaabiyo Irib ayaa daabacday sawiro naxashka Soleimani oo lagu duubay calanka Iiraan.

Caasimadda Tehran xildhibaanada baarlamaanka Iiraan ayaa ku qeylinayay Erayo ay kamid yihiin “Mareykanku ha dhinto”.

Soleimani ayaa ahaa sargaalka Iiraan u qaabilsan bariga dhexe islamarkana waxaa la rumaysan yahay in uu ahaa ninka labaad ee ugu awoodda badan Iiraan.

- Advertisement -

Dilkiisa ayaa waxaa uu sare u sii qaaday xiisadda u dhaxeysa Iiraan iyo Mareykanka.

Hogaamiyaha Ruuxiga ee Iiraan, Ayatollah Khamenei, ayaa ka digay “Aargoos adag “.

Madaxwayne Trump, ayaa bixiyay amarka weerarka lagu dilay Soleimani.

Meydka Qaasim Suleymaani oo la geeyay Iiraan iyo dad badan oo isu soo baxay

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories