HomeWararAl-shabaab oo War kasoo saartay weerar dad lagu dilay oo ka dhacay...

Al-shabaab oo War kasoo saartay weerar dad lagu dilay oo ka dhacay Kenya

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Sacadihii lasoo dhaafay deegaan ka tirsan Gobolka Lamud ee dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacay weerar lagu qaaday gaari ay la socdeen dad shacab ah, sida ay baahiyeen qaar kamid ah warbaahinta Kenya. Rag hubeysan ayaa weerarka ku qaaday gaarigaas xili uu mararay wadada xiriirisa Magaalooyinka Gamba iyo Witu ee Gobolka Lamud ee dalka Kenya,  […]

- Advertisement -

Sacadihii lasoo dhaafay deegaan ka tirsan Gobolka Lamud ee dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacay weerar lagu qaaday gaari ay la socdeen dad shacab ah, sida ay baahiyeen qaar kamid ah warbaahinta Kenya.

Rag hubeysan ayaa weerarka ku qaaday gaarigaas xili uu mararay wadada xiriirisa Magaalooyinka Gamba iyo Witu ee Gobolka Lamud ee dalka Kenya,  waxaana ka dhashay Khasaaro kala duwan.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarka ku geeriyooday saddex ruux oo kamid ahaa dadkii gaariga la socday, waxaana halkaas ka baxsaday ragii hubeysnaa ee weerarka soo qaaday.

War qoraal ah oo lagu daabacay warbaahinta Al-shahaab ayaa waxaa ay ku sheeteen Mas’uuliyada weerarka ka dhacay Gobolka Lamud, iyagoona sheegtay in weerarka la beegsadeen Afar gaari Basas ah oo ka yimid Mombaasa kunasii jeeday Laamu.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay inay kala saareen dadkii la socday gaadiidka, isla markaana qaar ay sheegeen inay Muslimiin ahaayeen lasii daayay, halka Afar kale oo ay ku tilmaameen Kirishtaan Kenyaati ah la dilay.

- Advertisement -

Si kastaba Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay in weerarka ka dhacay wadada xiriirisa Magaalooyinka Gamba iyo Witu ee Gobolka Lamud lagu dilay Saddex ruux oo la socday gaariga la weeraray, iyagoona sheegay inay ciidamo fara badan geeyeen goobta uu weerarku ka dhacay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories