HomeCaalamkaKuuriyada Waqooyi oo hanjabaad Culus u dirtay Mareykanka

Kuuriyada Waqooyi oo hanjabaad Culus u dirtay Mareykanka

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay inuu soo afjarayo hakinta nukliyeerka iyo tijaabada gantaallada riddada dheer, sidii la isku afgartay wadahadalladii uu dalkiisa la yeeshay Mareykanka.

Mr Kim ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisa uu dhowaan soo saari doono “hub cusub”.

- Advertisement -

Balse wuxuu albaabbada u furay wada xaajood, isagoo sheegay in xaddiga tijaabada hubkiisa ay ku xirnaan doonto sida uu Mareykanku u dhaqmo.

Wadahadalladii Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa burburay iyadoo xukuumadda Washington ay ka biya diidday inay cunaqabateynta ka qaaddo Kuuriyada Waqooyi ilaa ay Pyongyang si buuxda u joojiso barnaamijkeeda nukliyeerka.

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhowr gantaallo tijaabisay dabayaaqadii sanadkii tegay ee 2019, tijaabadaas oo loo arkayay inay cadaadis ku saareyso Mareykanka.

- Advertisement -

Balse joojinta tijaabada nukliyeerka iyo gantaallada riddada dheer ee gaari kara dhulka Mareykanka, waxay aasaas u ahaayeen wada xaajoodyadii uu dalkaasi la yeeshay Mareykanka.

Pyongyang ma aysan fulin tijaabooyin noocan ah tan iyo sanadkii 2017. Tijaabo dheeraad ah oo ay sameyso ayaa laga yaabaa inay caro geliso madaxweyne Donald Trump, iyadoo Mareykanku uu galayo sanad doorasho.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories