HomeCaalamkaKumanaan qof oo ku dibad-baxay safaaradda Mareykanka ee Iraq

Kumanaan qof oo ku dibad-baxay safaaradda Mareykanka ee Iraq

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Dhowr kun oo dibad-baxayaal ah ayaa maanta isugu soo baxay banaanka safaaradda Mareykanka ee Baghdad, si ay u cambaareeyeen duqeymo ay ciidamada Mareykanka la beegsadeen maleeshiyo Iran ay taageerto oo ku sugan dalalka Iraq iyo Syria. Duqeymahaas oo dhacay Axaddii ayaa dhaliyey carro iyo cambaareyn ka timid saraakiisha sare ee Iraq, hase yeeshee dowladda Mareykanka […]

- Advertisement -

Dhowr kun oo dibad-baxayaal ah ayaa maanta isugu soo baxay banaanka safaaradda Mareykanka ee Baghdad, si ay u cambaareeyeen duqeymo ay ciidamada Mareykanka la beegsadeen maleeshiyo Iran ay taageerto oo ku sugan dalalka Iraq iyo Syria.

Duqeymahaas oo dhacay Axaddii ayaa dhaliyey carro iyo cambaareyn ka timid saraakiisha sare ee Iraq, hase yeeshee dowladda Mareykanka ayaa difaacday ficilladeeda, waxaana ay ka digtay inay mar kale weerari doonto.

- Advertisement -

“Uma ogolaan doonno Iran inay ku baxsato inay maleeshiyo hoos tagta u adeegstao inay ku weerarto danaha Mareykanka,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka.

Duqeymaha Mareykanka ayaa beegsaday baqaarada hubka iyo goobaha looga taliyo kooxda Kataeb Hezbollah ee dalka Iraq iyo Syria, waxaana ku dhintay 25 qof, ayada oo tobaneeyo kale ay ku dhaawacmeen.

Saraakiisha Mareykanka waxay sheegeen in duqeymaha ay jawab u ahaayeen gantaal lagu soo weeraray saldhig military oo Mareykanka uu ku leeyahay Iraq, kaasi oo lagu dilay qandaraasle Mareykan ah.

- Advertisement -

Saraakiisha waxay intaas ku dareen in caddeymaha la helay ay muujiyeen in shaki la’aan ay weerarka ka dambeysay kooxda Kataeb Hezbollah.

Ra’iisul wasaaraha Iraq, Adel Abdul Mahdi ayaa Isniintii cambaareeyey duqeymaha, waxaana bayaan uu soo saaray uu ka digay in ficillada Mareykanka ay yihiin kuwa aan la aqbali karin “oo yeelan doona caqaabih halis ah.”

Xigasho VOA-Somali

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories